Baanka Dhexe ee S/land oo Suuqa Sarifka Hargeysa ka Sameeyay Hawlgal Lagu Xasilinayo Sarifka Bararka.

Wednesday October 23, 2024 - 09:20:57
Hadhwanaagtv
Hawlgalkan Bangigu fuliyay shalay waxaa hor ka cayay Agaasimaha



Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sameeyay hawlgal lagu xasilinayo Sarif bararka laga dareemayay maalmahan suuqyada sarfifka iyo Suuqyada ganacsiga dalka.

 

Bangiga dhexe ee S/land ayaa saaka suuqa ugu wayn sarrifka lacaga ee magaalada Hargeysa ka fuliyay hawlgal uu ku soo xaraynaayo lacagta kaashka ah ee shiling-ka Somaliland isla markaana taas beddelkeeda suuqa galiyay lacago Dollar ah si hoos loogu dhigo xaddiga isku sarrifka lacagaha ee suuqa.

 

Hawlgalkan Bangigu fuliyay shalay waxaa hor ka cayay Agaasimaha Guud ee Baanka S/land mudane Maxamed Qaasim Xuseen Dalmar, waxaana Agaasimaha guud uu sheegay in hawlgalkan uu Bangigu ugu dan leeyahay sidii uu wax uga qaban lahaa xaaladda sarrifka isla markaana u xasilin lahaa.

 

Agaasimuhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay sarriflayaasha iyo ganacsatada dalka inay ku dhaqmaan sicirka isku sarifka lacagaha ee Bangigu soo saaro taas oo uu sheegay inay waajib tahay in la fuliyo.

 

Ugu danbayntii, Agaasimaha guud waxa uu digniin culus u diray cid kasta oo ku dhaqmi wayda go’aannada Bangiga Somaliland uu kor ugu qaadayo adeegsiga lacagta dalka iyo weliba sidoo kale kuwa uu suuqa sarrifka taas oo uu sheegay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, isagoo sidoo kale bulshada reer Somaliland ka codsaday in ay Bangiga ku soo wargaliyaan cid kasta oo ugu adeegta qiime ka duwan ka uu Bangigu soo saaro subax walba.

     
Loading...