Ujeedada Ganacsato ka Soo Jeeda Hargeysa iyo Deegaanada Sool Oo Uu Shir Uga Socdo Nairobi.

Friday April 18, 2025 - 09:09:47
hadhwanaagnews
dhinaca Hargeysa Shirkan Waxa Goob Joog ka ahaa
May be an image of 8 people and table

Ganacsato Ka soo Jeeda Hargeysa ayaa markii Labaad Kulan Magaaladda Nairobi kula qaatay Ganacsato iyana ka soo jeeda Deegaanada Gobolka Sool ee Somaliland.

Kulankan oo soo bilaabmay Bishii Ramadaan ee aynu ka soo Gudubnay ayaa salka ku haya Sidii la isugu furi lahaa Ganacsiyada Deegaanada Bariga Somaliland oo muddo Labo Sano ah xidhnaa Maadaama uu saameeyay Dagaaalkii Laascaanood, Waxaana sii ambo bixisay Ganacsatadan Xukuumadda Somaliland oo bilawgii Muddo xilleedkeeda ku dhawaaqday in ay xal Nabadeed ku geli doonto Arrinta Gobolka Sool.

dhinaca Hargeysa Shirkan Waxa Goob Joog ka ahaa Cabdikarim Muruqlaqe, Khadar Adan ( Khadar Ambasator), Ahmed Ismacil Xusein, Axmed Faarax Xarbi oo ka socday Shirkadda Alxarbi iyo Xubno ka socday shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom.
Waxa xusid mudan in Shirkan ayaanay ku jirin Rugta Ganacsiga Somaliland.

Dhinaca Gobolka Sool Xubnaha Ka Socda ee shirkaasi ka qayb galay Waxa ugu magac Roonaa Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdirisaaa Ataash, Caano Nuug iyo Maamulka Xawaaladaha Tawakal Express.

Shirkan oo galay Wajigii Labaad ayaan la ogayn in uu soo dhamaaday iyo in uu weli sii socon doono.
     
Loading...