Wasiirka Arrimaha Dibada JSL oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Hargeysa

Wednesday April 16, 2025 - 10:49:31
hadhwanaagnews
Geesta kale Wasiir Bakaal ayaa intuu joogey dalka Maraykanka..



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriydda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa Shalay ku soo guryo noqday dalka, ka dib safar qaatay in muddo ah oo uu ugu maqnaa Cariga dalka Maraykanka kaasi oo la xidhiidhay arimaha ictiraaf raadinta ee Somaliland dadaalka ugu jirtay tan iyo la soo noqoshadi madax banaanideeda sidii ay beesha caalamka uga helilahayd aqoonsi buuuxa.

 

Wasiirka arimaha dibada ayaa markii uu ka soo dagay gegada diyaaraha caasimada Hargaysa ee Ceegaal ayaa waxa kusoo dhaweeyey, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, mudane Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaaradda, mudane Fu’aad Axmed Nuux, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada mudane Mohamed Abdirahman, mas’uuliyiinta hab-maamuuska Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

 

Geesta kale Wasiir Bakaal ayaa intuu joogey dalka Maraykanka la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi iyo Haayado kala duwan oo taageera qaddiyadda qaran ee Somaliland sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay diblamaasiyiin u dhaqdhaqaaqa qadiyada in ay Somalland maruun ictiraaf ka hesho beesha caalamka.

 

Madaxwaynaha dalka Maraynkanka ayaa hore u shaaciyey in uu hormaad ka noqon doono Aqoonsiga Somaliland taasi oo hadii uu maraykanku ku dhawaaqo aqoonsiga Somliland albaabada u furidoonta ay wadamada caalamka iyaguna si buuxda u aqoon sadaan Somliland.

 

Gabagabdii Somaliland ayaa tan iyo 1991kii markii Somaliland ku dhawaaqday la soo noqoshada madax banaanideeda waxay dadaal dheer ugu jirtay ka dhaadhicinta in ay somliland tahay qaran dhamaystiran oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa wada, isla markaana leh Dastuur, Calan, golayaal Qaran iyo xuduudo dhamaystiran.

     
Loading...