Wasiirka Warfaafinta oo Sharraxay Sababta Soomaalidu ay u Hadal Hayaan Somaliland

Thursday August 01, 2024 - 08:19:30
Hadhwanaagtv
Wasiirka Oo Arimahaa Ka Hadlayayna.Waxa Uu Yidhi"Somaliland..



Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed Cali (Mareexaan) Ayaa Sheegay In Somaliland Tahay Wadanka Kaliya EeGeeska Afrika Ah Ee Dimuqraadiyadi Ka Jirto.


 

Waxaanu Intaa Ku Daray In Soomaaliya Nafis Siyaasadeed Ay Ka Dhigtaan In Ay Hadal Hayaan Somaliland.


 

Wasiirka Oo Arimahaa Ka Hadlayayna.Waxa Uu Yidhi”Somaliland Aad Ayaa Loogu Majeertaa Guud Ahaan Waxaana Lays Waydiiyaa Maxay Soomaalida Geeska Afrika Uga Hadlaan Siyaasada Somaliland,Siyaasad Iyo Dimuqraadiyad Ayaa Ka Socota Somaliland Soomaalida Geeska Afrika Meel Ay Dimuqraadiyadi Ka Jirtaa Majirto Oo Doorashooyin Xori Ka Dhacaan Oo Cidi Hadashaa Majirto, Saxaafad Si Xora U Hadlaa Kama Jiraan,Sidaa Darteed Soomaalidu Nafis Siyaasadeed Ayay Ka Dhigtaan Dimuqraadiyada Somaliland.


 

Waxaana Aynu Nahay Dad Xisbiyo Furtay Oo Dooda Oo Siyaasadi Ka Socota Oo Indhihii Adduunku Eegayaan.Markaa Xagooda Waxba Kama Socdaan,Halla Yaabina Inaga Ayuunbay Inaga Sheekeeyaan Ku Faana Somaliland Iyo Qaran Kiina Iyo Waxqabad Kiina.”

 

 

     
Loading...