DEG DEG Somaliland oo gaashaanka u daruurtay in ciidamada badda ee Turkigu yimaadaan xeebaha Somaliland.

Thursday July 25, 2024 - 19:21:20
hadhwanaag
Xukuumaddu waxay intaas ku dartay in Tallaabo kasta oo hal dhinac...
May be an image of 5 people and boat


Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay sheegtay in Somaliland ku taagan tahay xeerarkii lagu ansixiyay shirkii midowga Afrika ee ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar sannadkii 1964kii, kaas oo dhigayay in aan lagu xadgudbin xuduudihii gumaystuhu ka tagay ee guud ahaan Afrika. Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo hore loo odhan jiray Italian Somaliland, waa qaar caalamka oo dhammi aqoonsan yahay oo aanay ciddi ku xad-gudbi karin sida maamullka Muqdisho.

Xukuumaddu waxay intaas ku dartay in Tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay cid gaar ahi qaaddo, sida ciidamada badda ee Turkiga ee la sheegay inay ka hawl-galayaan Somaliland, waxa ay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Falalka noocaas ahina waxa ay wiiqayaan xasilloonida gobolka, waxaanay ka hor imanayaan nabad ku wada noolaanshaha dawladda deriska ah ee mandaqadda geeska Afrika.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay ixtiraamto oo ay dhowrto xuduudeheeda baddeed, waxaanay sidoo kale xoojinaysaa baahida loo qabo in dhammaan dhinacyadu ay wada hadlaan isla markaana ay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah ee lagu maamulo badaha.

Waxa lagu yidhi war-saxaafadeedkan, "Somaliland waxa ka go’an inay kobciso xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay dhammaan dalalka kaasoo salka ku haya is-qadarin iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah , waxaanu ku boorrinaynnaa dhammaan daneeyayaasha arrimahan inay taageeraan dedaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo amniga iyo xasilloonnida gobolka.”

"Somaliland 20kii sanno ee la soo dhaafay waxa ay lahayd hannaan xooggan oo ay baddeeda kaga ilaalinayso budhcad-badeedda, tahriibinta dadka iyo argagixisada. Somaliland iyada oo adeegsanaysa ciidamadeeda ilaalada xeebaha iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxa ay samaysaa roondo iyo hawlgallo lagu ilaalinayo xeebeheeda,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga.

War-murtiyeedka waxa kaloo lagu sheegay in Dedaallada dardarta leh ee ay somaliland ku bixiso bad iyo barriba ay ka qayb qaataan xaqiijinta bad-qabka iyo amniga biyaha iyo in ganacsiyada caalamiga ahi si nabadgalyo ah u maraan xuduudaha badda Somaliland.

Ugu dambayn, war-saxaafadeedkaas waxa lagu caddeeyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay inay ka ilaaliso madax-bannaanideeda dhuleed iyo qarannimadeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta, iyada oo geesta kalena ku taagan ilaalinta qawaaniinta xidhiidhka caalamiga ah ee dawladaha dunida.
     
Loading...