45 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa la xaqiijiyay
in ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kaddib marki laba doon oo ay la socdeen ay
ku quuseen biyaha Badda Cas ee Bariga Africa, sidaasi waxaa sheegtay Laanta
Socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Laanta IOM waxay sheegtay, in doonyaha
qarraqmay oo kasoo shiraacday xebaha Yemen ay la socdeen ilaa 310 qof, isla
markaana ilaa iyo hadda la badbaadiyay kaliya 32 ka mid ah muhaajiriinta.
Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa
intaasi ku dartay in ay hadda ay socdaan howlgallo gurmad ah oo ay wadaan
adeegga gurmadka deg degga ah ee Dowladda Jabuuti, kuwaas oo lagu doonayo in
lagu soo badbaadiyo dadka la la’yahay.
Wali lama shaacin heybta dadka muhaajiriinta
ah ee ku dhintay xeebaha Jabuuti.
voa