Faysal Cali Waraabe Oo Soo Saaray Digniino La Xidhiidha Khatar Ku Soo Wajahan Somaliland

Monday July 15, 2024 - 09:16:24
Faysal Cali Waraabe Oo Soo Saaray Digniino La Xidhiidha Khatar Ku Soo Wajahan Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay shirqoolada ay wadaan Jabuuti iyo Soomaaliya ee lala damacsan yahay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sidan ku sheegay fariin qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter).

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa wuxuu baaq u diray madaxda xisbiyadda qaranka Somaliland iyo shacabka.

Waxaanu ugu baaqay madaxda xisbiyadda iyo shacabka inay u midooban difaaca qarankooda Somaliland.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale sheegay in si looga hortago khataraha la qaado 4 tan qodob.

"Si looga hortago khataraha, Somaliland waa in ay qaaddaa tallaabooyin firfircoon:

Dawladda Fashilmay ee Soomaaliya iyo Digtaytarka dawlada Jabuuti ayaa qorshaynaya inay abaabulaan shaqsiyaad Somaliland ka soo horjeeda oo siyaasad ahaan iyo Milatari ahaanba SL u dhimaya.

1. In bulshada la baro caqabadaha ina soo food saara.

2. Waa in saddexda xisbi siyaasadeed soo saaraan bayaan wadajir ah oo ay ku xaqiijinayaan inay ka go’an tahay jiritaanka Somaliland, madax-banaanideeda iyo difaaceeda.

3. Waa inaynu kala saarnaa dhaliilaha Muuse Biixi iyo danta Somaliland. Guul-darradiisu ma caddayn karto wax-qabad la’aanta difaaca dalkeenna.

4. Waa in aan u midownaa hagaajinta kala qaybsanaana, xoojinta difaaca wadajirka ah.

Aynu u wada istaagno ilaalinta xasiloonida iyo qaranimada Somaliland.



     
Loading...