DEG DEG Xasan Sheekh oo xarunta difaaca kulamo xasaasi ah kula qaatay hoggaanka ciidanka

Wednesday July 10, 2024 - 20:02:34
hadhwanaagtv
Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii
May be an image of 6 people


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go'an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.
     
Loading...