DEG DEG Natiijada kulamo uu ra'iisul wasaare Xamza ka wado New York

Friday September 27, 2024 - 13:56:48
hadhwanaag
Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay

May be an image of 4 people, dais and text
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta magaalada New York kulan kula yeeshay Madaxweynaha Suudaan Abdel-Fattah Al-Burhan Abdelrahman.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood iyo shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo si gaar ah iskula soo qaaday xal u helidda colaadda ka taagan dalka Suudaan.

May be an image of 4 people and suit

Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan al Al Nahyan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro Dowlaha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
     
Loading...