Wasaarada Arimaha Dibeda Somaliland Oo Ka Hadashay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Loo Doortay UK

Saturday July 06, 2024 - 08:43:12
Wasaarada Arimaha Dibeda Somaliland Oo Ka Hadashay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Loo Doortay UK

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay boggaadisey Raysal wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska oo loo doortay Keir Startmer oo ka tirsan Xisbiga shaqaalaha UK.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay dhambaal diiran oo hambalyo ah u dirayso Raysal wasaaraha la doortay ee Ingiriiska Keir Starmer.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inay ka filayso Raysal wasaaraha Ingiriiska Keir Startmer inuu kor u sii qaado xidhiidhka Somaliland iyo UK.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalikand Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xildhibaan Gavin Williamson oo dib loogu doortay xilkiisii Xildhibaanimo.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu ku tilmaamay Md. Gavin Williamson saaxiib weyn oo muddo dheer taageerayay Somaliland.



     
Loading...