Midawga Afrika Oo War Cusub Ka Soo Saaray Wakhtiga Ciidanka ATMIS Ka Bixi Karaan soomaaliya

Saturday June 22, 2024 - 08:01:00
Midawga Afrika Oo War Cusub Ka Soo Saaray Wakhtiga Ciidanka ATMIS Ka Bixi Karaan soomaaliya
Gollaha Amaanka ee Midowga Africa ayaa bayaan uu soo saaray shalay ku taageeray, in aan la de dejin bixitaanka ciidamada Midowga Africa ee ka howl gala Soomaaliya ee ATMIS, ee dowladda ka caawiya dhinaca amaanka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xag jirka ah ee al-Shabab.

Dhamaadka bishan June, ayuu qorshuhu ahaa in 4,000 oo askari oo ka mid ah 13,500 oo askari oo ATMIS ah ay ka baxaan Soomaaliya.

Laakiin, ka dib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo bishii May loo gudbiyay Gollaha Amaanka ee Midowga Africa, Gollaha Midowga Afrika ayaa kullan uu arrintaasi ka yeeshay Khamiistii Magaalada Addis Ababa wuxuu ku taageeray codsiga dowladda ee ahaa in la tartiibiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in 2 kun oo askari oo kaliya ay baxaan bishan June, labada kelena ay baxaan bisha September ee sanadkan.

Bayaan uu soo saaray ayuu Golluhu ku sheegay si aanu u dhicin firaaq amni, al-shababna aysan u helin fursad kale oo ay ku majaxaabiso dowladda Soomaaliya, inuu ku baaqayo in la sameeyo "Howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo oo ATMIS bedella.
Askar ka tirsan ciidanka ATIMIS oo ku sugan magaalada Muqdisho



source:- VOA
     
Loading...