SOMALILAND oo eedeyn yaableh u jeedisay DF Soomaaliya iyo dal kale

Saturday June 29, 2024 - 17:21:48
hadhwanaag
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda..



Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn yaableh u jeediyay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu tilmaamay inay maleegayaan halis ka dhan ah Somaliland.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu burburinayo maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

 

Guddoomiyaha UCID oo carab baabay Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay inay ku tashadeen in laba jiho laga weeraro Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla markaana la xalaashaday dhiigooda, sida uu hadalka u dhigay.

 

"Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Dhinaca kale wuxuu si gaar ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay inuu isagu hoggaanka u hayo qorshahan ka dhanka ah Somaliland, ujeedkana uu yahay in laga hortego aqoonsi ay hesho Somaliland.

 

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen in la burburiyo maamulkooda.

 

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd ay gaartay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho oo isku qabtay heshiiska badda ee Muuse Biixi uu la galay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya kaas oo ay ka caroortay dowladda federaalka Soomaaliya.

     
Loading...