Qaraar Ku Saabsan Amniga Qaranka Kana Kooban Sideed Qodob Oo Dawlada Soomaaliya Ansixisay

Friday June 28, 2024 - 08:08:18
Qaraar Ku Saabsan Amniga Qaranka Kana Kooban Sideed Qodob Oo Dawlada Soomaaliya Ansixisay


Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya.

Qaraarkan ayay dowladdu sheegtay in looga gaashaamanayo khataraha halis galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkan uu ka tarjumayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaranka.

Qaraarkan oo ka kooban 8 qodob oo aan faahfaahin dheer laga bixin, ayaa golaha xukuumadda oo yeeshay shirkoodii todobaadlaha kusoo dhoweeyeen qaraarkan, iyagoo ansixiyay.

Soo saarista qaraarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay Soomaaliya dadaal adag ugu jirto in ay meesha ka saarto heshiis khatar weyn ku ah gobonimada Soomaaliya, kaasoo ay Ethiopia ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Ethiopia ayaa xalay sheegtay in aysan ka bixin heshiiska badda ee ay Somaliland kula jirto, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay war been abuur ah oo ku saabsan in dowladda Ethiopia ay joojisay heshiiskaas.

Waa kuwan qodobada ku xusan qaraarka amniga.

1. Argagixisada.

2. Aragtida Gooni-goosadka.

3. Dowlad-nugeylka.

4. Xuduudaha Beylahda.

5. Faragelinta Shisheeye.

6. Isbeddelka Cimilada.

7. Khatarta Tiknoolajiyadda.

8. Khataraha Bulshada.

     
Loading...