DEG DEG Jabuuti Oo Dhisaneysa waddo Halbowle u ah Ganacsiga Dalkeeda.

Tuesday June 18, 2024 - 15:06:30
hadhwanaag
Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas ayaa ah maalgaliyeyaasha...
May be an image of 2 people, dais and text


Gudaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la daahfuray mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xiri doonta gobolada Koonfurta ee dalkaas.

Ujeedka mashruucaan ayay dawladdu ku sheegtay horumarinta isku xidhka gobolka iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee deegaanada ay mari doonto.

Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas ayaa ah maalgaliyeyaasha mashruucaan wadada isku xirta Doudoubalala iyo Dikhil. Djibouti SA iyo Salaam Bank ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa bixin doona guud ahaan lacagta ku bixi doonta mashruucaan oo ku kacaya $15 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaana waxaa la sheegay in mashruuca ay gacanta ku hayso shirkad iyana maxalli ah oo lagu magacaabo Al Nasri, taas oo laga rajeynayo in ay ku dhameyso mashruuca muddo 8 bilood ah.
     
Loading...