Cimraan Khan oo qeylo dhaan ka soo dhex diray xabsiga iyo nolosha dhabta ee uu ku nool yahy

Sunday June 09, 2024 - 11:03:08
hadhwanaagtv
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in sawirada ku jira ay ka hadlayaan...



Dowladda Federaalka ayaa ku andacootay in aysan run ahayn sheegashada Cimran Khan oo ku xiran xabsiga Adiala ee ah in lagu hayo meel kali ah oo aan loo ogoleyn in uu la kulmo qareeno.


 

Sheegashadan ayaa lagu sheegay Dokumenti ay dowladda federaalka si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda sare, kaas oo lagu xusay magaca ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Raja Muhammad Shafqat Abbasi. Dukumentiyada uu maxkamada ku soo bandhigay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Pakistan waxaa sidoo kale ku saxiixan kormeeraha xabsiga Adiala.


 

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in sawirada ku jira ay ka hadlayaan nolosha Imran Khan ee xabsiga iyo tasiilaadka u furan sida ay dowladdu sheegtay. Isla mar ahaantaana, dukumeentiyadani waxay sidoo kale bixinayaan faahfaahinta kulamadii qareennada, siyaasiyiinta iyo xubnaha qoyska ee Imran Khan.


 

Waa maxay dukumentiyada dowladda ee muujinaya nolosha ra'iisul wasaarihii hore Imran Khan ee xabsiga, ka hor inta aan la ogaan waxa ay dowladdu ka leedahay xogtaan.

 

Maxaa ku qoran xogta dowladda heyso?


Intii lagu guda jiray kiiska wax ka beddelka NAB ee maxkamadda sare ayaa la helay muuqaal muujinaya in lagu hayay meel kaligiis ah oo aan loo ogoleyn inuu la kulmo qareeno.


 

Iyadoo la tixraacayo isla hadalka Imran Khan, jawaabta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in si xaqiiqo ah arrintan loo soo bandhigo, lana keeno diiwaanka shirarkii lagu qabtay xabsiga iyo sawirrada goobta.

 

Waxa kale oo qoran in haddii ay maxkamaddu u aragto inay ku habboon tahay oo lagama maarmaan tahay, ay u magacaabi karto guddi xaqiijiya xaqiiqooyinka loo soo gudbiyay maxkamadda.


 

Haddaba aan aragno waxa sawirada ku jira dukumentiyadaan ay nooga sheegayaan nolosha Imran Khan ee xabsiga. Ogsoonoow in BBC aysan si madaxbanaan u xaqiijin karin sawiradaan iyo sheegashooyinka ku jira dukumeentigan, si kastaba ha ahaatee Tehreek-e-Insaf ayaa xaqiijiyay sawirka qolka Imran Khan ee xabsiga.


 

'Qol yar'

Farriin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee PTI ee barta bulshada ee X, lana wadaagay sawirka qol ku jira dukumentiyada dawladda, ayaa lagu qoray in 'Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan lagu hayo qol yar oo xabsi ah., halkaas oo aysan ka jirin wax adeegyo ah.


 

Haddaad u fiirsato sawirkan waa qol yar oo sariir dhinac ka taal, miis iyo kursina dhinaca kale ka yaal.

 

Shaashada TV-ga ayaa lagu rakibay gidaarka dhamaadka qolka sida uu muujinayo sawirka, waxaana la arkayay qaboojiye ama marwaxad.


 

Dhanka kale, isla qolkaas, waxa ku yaal qol yar oo sariirta gadaasheeda ah, kaas oo loo maleynayo inuu yahay musqul iyadoo la arkayo weelka dharka lagu dhaqo oo goobta ka muuqda.


 

"Aragtida ah in Imran Khan uu ku nool yahay nolol raaxo leh gudaha xabsiga waa qalad"

Qareen Naeem Haider Panjuta oo ka mid ah qareenada Imran Khan ayaa sheegay in la xaqiijiyay in Imran Khan uu ku sugan yahay xabsiga ayna qalad tahay in la bixiyo fikrad ah in uu xabsiga ku heysto nolol raaxo leh.


 

Isagoo la hadlayay BBC, ayuu ku andacoodey in "Sawirada maanta lagu soo bandhigay maxkamadda, aysan ahayn kuwa ka turjumaya xaqiiqada uu ku jiro ra'iisul wasaarihii hore, laakiin Imran Khan waxaa lagu hayaa qolka dhimashada."


 

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in horay ay dowladda u sheegtay in Imran Khan uu daganyahay 8 qol balse uu ku jiro hal qol oo cabirkiisu yahya 8/10.


 

"Ma jiro qaboojiye qolkan sidoo kale, ma jiraan adeegyo noocaas ah oo Nawaz Sharif uu helay."

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in marka la barbardhigo buugaagta Imran Khan, uu Zulfikar Ali Bhutto uu heystay qalabkii buugaagta, ee uu ku qori jiray gudaha xabsiga, balse Imran Khan uusan waxba ku qori karin gudaha.

 

Isagoo ka hadlayay liiska martida u timid inay la kulmaan Imran Khan oo xabsiga ku jira, Naeem Haider Panjuta ayaa sheegay in amarro isdaba joog ah oo ka soo baxay maxkamadda sare ee Islamabad, Imran Khan loo ogolaaday inuu la hadlo dadka siyaasiyiinta, laakiin aan loo ogoleyn carruurtiisa.


 

Jikada Imran Khan

Xogta ay dowladda u gudbisay maxkamadda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xabsiga uu ku yaal jiko u gaar ah Imran Khan.


 

Balse, sawirka dukumeentiga oo hoos ka muuqda ayaa muujinaya armaajo ay ku jiraan cunto iyo cabitaan loogu talagalay Imran Khan.


 

Sawir ku yaal warqadihii la gudbiyay isna waxa uu muujinayaa miis ay saaran yihiin cabitaan qabow, boorash, baasto iyo cuntooyin kale.


 

Xogtu waxa ay sheegeysaa in liiska cuntada uu go'aamiyo Imran Khan.

 

Maxay yihiin buugaagta uu Imran Khan ku akhriyo xabsiga?


Dukumiintiyada maxkamada ayaa sheegaya in buugaag la siiyay Imran Khan oo uu codsaday. Waxa kale oo ay dawladdu soo bandhigtay sawirada buugaagtaaan oo maxkamadda la horkeenay.


 

Sawirkan waxaa laga dheehan karaa in kutubtaasi ay ka mid yihiin Maulana Jalalu-diin Ruumi oo ahayd Suufi qarnigii 13-aad, Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee Koonfur Afrikai Nelson Mandela, oo lagu tiriyo astaan u taagan halganka lagula jiro midab-takoorka ee dalkaas. Abwaan Allama Iqbal Iyo buugaag kale nolosha ka hadlaya.


 

Goobaha jimicsiga iyo socodka

Sida ku cad xogta, mishiinnada jimicsiga ayaa sidoo kale la siiyay Imran Khansi si xabsiga loogu daryeelo caafimaadkiisa jireed.

 

Hal sawir ayaa muujinaya baaskiil jimicsi halka mid kalena uu muujinayo suunka fidsan.

 

Marka laga soo tago arrintan, waxaa sidoo kale la sheegay in Imran Khan loo oggol yahay inuu ku lugeeyo laba jeer maalintii laba waddo oo gaar ah oo ku taal xabsiga.


Kulamada xabsiga ee Imran Khan.


Waa in la xusuustaa in Guddoomiyaha Pakistan Tehreek-e-Insaf iyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan laga wareejiyay xabsiga Attock Jail loona wareejiyay Adiala Jeil ka dib amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Islamabad bishii Sebtembar ee sannadkii hore.


Warqadihii ay dowladda federaalku u gudbisay maxkamadda sare, laga soo bilaabo bishii September ee sannadkii hore ilaa 30-ka May ee sanadkaan, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay liiska martida u timid inay la kulmaan Imran Khan.


 

Liiskaan waxaa ku jira magacyada walaalaha Imran Khan, qareenada iyo madaxda xisbiga.

 

Xagee ayuu ku yaal xabsiga Adiala maxayse tahay muhiimada taariikheed ee uu leeyahay?

Adiala Jeel dhab ahaantii waa xabsiga dhexe ee Rawalpindi waxaana loogu yeeraa xabsiga Adiala sababtoo ah tuulada Adiala oo ku taal degmada Rawalpindi ayaa ku taal meel u jirta masaafo qiyaastii afar kilomitir sidaas darteed ayaa xabsiga loogu yeeray magaca Adiala.


 

Jeelkani waxa uu ku yaalaa meel u dhaw tuulada Dehgal oo qiyaastii 13 km u jirta Maxkamadaha Degmada ee wadada Rawalpindi ee Adiala waana jeelkii hore ee degmada Rawalpindi.


 

Waxaa la dhisay dabayaaqadii 1970-meeyadii iyo horraantii 1980-meeyadii xilligii dowladdii kaligii taliyihii militariga Pakistan General Muhammad Zia-ul-Haq.


 

Xabsigii hore ee degmada Rawalpindi waxa uu ku yaalay goobta uu maanta ku yaalo Park Jinnah wuxuuna ahaa isla jeelkii uu ku xirnaa Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Zulfikar Ali Bhutto xiligii dowladii kaligii taliska militariga ahaa ee General Ziaul Haq laguna daldalay.


 

Sanadihii ka dambeeyay dilkii Zulfikar Ali Bhutto, xabsigaan waa la burburiyay, waxaana halkan laga dhisay jardiinooyin, 1986-kiina xabsiga ayaa loo wareejiyay Adiala.


 

Magaca xabsiga Adiala ayaa had iyo jeer ka dhex guuxayay siyaasadda Pakistan. Xabsigan ayaa ah halka ay ku xiran yihiin siyaasiyiin badan oo muhiim ah oo ay ku jiraan saddex ra’iisul wasaare oo dalka soo maray, waxaana hadda Imran Khan uu noqonayaa ra’iisul wasaarihii 4-aad oo xabsigan ku sii jiri doona.


 

Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa labo jeer lagu xiray xabsigan. Waxa markii ugu horaysay halkan lagu xiray in muddo ah ka dib afgambigii millatari ee dalka ka dhacay 1999-kii markaas oo lagu helay kiiskii shirqoolka ee diyaaradda, waxaana sidoo kale lagu xiray Fort Attock.


 

Xabsiga Adiala ayaa noqday hoyga Nawaz Sharif markii labaad kadib markii lagu helay kiiska Panama. Go’aankan kadib, Nawaz Sharif waxaa lagu xiray xabsiga Kot Lakhpat ee Lahore marka laga reebo Jeel Adiala.


 

Gabadhiisa Maryam Nawaz ayaa sidoo kale lagu xiray xabsiga Adiala Jeil. Madaxweynihii hore Asif Ali Zardari ayaa isna in muddo ah noloshiisa ku qaatay xabsiga Adiala.


 

Hogamiyaha sare ee xisbiga dadka iyo ra'iisul wasaarihii hore Yusuf Raza Gilani ayaa sidoo kale in ka badan sanad iyo bar ku jiray xabsiga Adiala Sebtembar 2004 ilaa 2006 wuxuuna sidoo kale qoray buug intii uu joogay.


 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale lagu xiray xabsiga Adiala xilligii Musharaf, halka Shahid Khaqan Abbasi uu sidoo kale waqti ku qaatay halkan.


 

Marka laga soo tago arrintan, wasiirka federaalka ee hadda jira ahna hoggaamiyaha sare ee ururka Muslim League-N, Saad Rafique, ayaa in muddo ah ku xirnaa xabsiga Adiala xilligii Musharaf, halka Javed Hashmi uu sidoo kale ku xirnaa xabsiga Adiala muddo dhowr bilood ah intii uu musaafurinta ku jiray. Nawaz Sharif.


 

Marka laga soo tago iyaga, gudoomiyihii hore ee NAB Saifur Rehman, maskaxdii ka dambeysay weeraradii Mumbai ee November 8-dii Zaki-ur-Rehman Lakhvi iyo dilaagii hore ee Salman Taseer Mumtaz Qadri iyo Model caan ah Ayan Ali oo lagu xukumay kiiska lacag dhaqida ayaa xabsigaan galay.

ISHA BBC SOMALI

     
Loading...