Ma Jira Hab Ugu Fiican Oo Loo Noolaan Karaa?

Thursday April 24, 2025 - 12:16:24
hadhwanaag
Suurta gal ma tahay inaad wax aad ogaatay u caddaysid,...



Falsafaddu waa eray (Greek) oo macno ahaan noqonaya "Xikmad kalgacal”. Erayga falsafadu waxa uu tilmaamayaa wax kasta oo laga soo dheegtay caqli iyo sababaynta, iyada oo la raadinayo asalka iyo runta abuurkeeda.

Waana barashada arimaha gundhiga u ah dhibaatooyinka la xidhiidha nolosha iyo Jiritaanka, Aqoonta, Sababaynta, Maskaxda, shuruucda iyo xeerarka iwm.

Falsafaddu waa nidaam lagu sharxo aqoonta iyo cilmiga. Qaababka Falsafada waxa ka mid ah in wax kasta su’aal la geliyo, iyo in dood adag laga galo. Murangalin adag, iyo weydiimo xidhiidh ah.

Weydiimaha falsafadda waxa ka mid noqon karaa:

Suurta gal ma tahay inaad wax aad ogaatay u caddaysid si macquul ah? Aqoonyahanada Falsafadu wakhtiyada qaarkood waxay iswaydiiyaan su’aalo kala duwan sida : Miyuu jiraa hab ugu fiican oo loo noolaan karo? Habkee ugu wanaagsan inaad Cadaalad ama Cadaaladaro ku dhaqanto haddii ay qasab kugu tahay?.

Qoraaysha falsafadda ma hayaan qeexnin la isku waafaqay, waan mid ay ku dawakheen. Qaarka mid aha ayaana aaminsan in falsafaddu tahay in la shki geliyo arriimo la isla yaqaan.

Qoraaga buugga "The Principles of Philosophy " Rene Descartes ayaa sheegay in aanu isagu kala caddayn Karin, awoodna u lahayn farqiga u dhexeeya hurdada iyo soojeedka, inkasta oo ay arrintani caddahay haddana waxa uu isagu doonaya in u helo caddayn.

Waalida falsafadda waxa ka mid odhaada qoraaga buugga " Studies in Humanism” Ferdinand Schiller oo yidhi : "hadii boqorku uu seexdo 12 saacadood habeenkii, oo uu ku riyoodo isagoo noqday qof dawarsade ah. Kan dawarsadaha ahina uu seexdo 12 saacadood maalintii ah, oo weliba ku riyoodo isagoo noqday boqor, lama helayo waxa kala duwanaansho ah oo u dhexeeya labadooda”. Halkii qof ayuu laba ka dhigay, waa marka ay xadka ka tallaaban kuwa jahawareeray falsafadda.

Guud ahaan in la isku waafaqin jawaab isku mid ahn looma hayo su’aash ah :” Waa maxay falsafaddu ?”.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...