Madaxda Machadka Tabobarka Macallimiinta Qaranka oo Kormeer Ku Sameeyay Barayaasha Ku Jira Carbinta Macalinimada

Tuesday February 17, 2026 - 08:55:45
HADHWANAAGNEWS
Kor u Qaadista Tayada Macalinimada



Hargeysa – Madaxda Machadka Tabobarka Macallimiinta Qaranka Somaliland ayaa kormeer shaqo ku sameeyay barayaasha ku jira barnaamijka carbinta macalinimada, kaas oo ujeedadiisu tahay kor u qaadista mihnadda macalinimo iyo tayada waxbarashada dalka.

 

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray habsami-u-socodka waxbaridda, manhajka la adeegsanaayo iyo heerka ka qaybgalka barayaasha la tababarayo, si loo hubiyo in ay helayaan aqoon iyo xirfad ku filan oo ay ku gutaan waajibaadka macalinimo mustaqbalka.

 

Hoggaanka Kormeerka

 

Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Kulliyadda Tababarka Raxma C. Risaaq, waxaana ku weheliyay Agaasime Ku-xigeenka Kulliyadda Ubax Maxamed, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeysa Aamina Casayr iyo xubno kale oo ka socday kulliyadda iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

 

Mas’uuliyiintu waxay indha-indheyn ku sameeyeen fasallada waxbarashada, iyaga oo la kulmay barayaasha iyo macallimiinta tababarka qaadanaya, si ay u qiimeeyaan heerka tayada iyo sida ay u socoto hirgelinta barnaamijka carbinta.

 

Kor u Qaadista Tayada Macalinimada

 

Madaxda machadku waxay carrabka ku adkeeyeen in tayeynta macalimiintu tahay saldhigga horumarka waxbarashada, isla markaana ay muhiim tahay in la joogteeyo kormeerro noocan oo kale ah si loo hubiyo in barnaamijyada tababarku waafaqsan yihiin heerarka looga baahan yahay mihnadda macalinimo.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xirfadda macalinimo, laguna dhisayo jiil macallimiin aqoon iyo karti leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarinta waxbarashada qaranka.

     
Loading...