Qarankeenu Qaangaadhye, Qaladbase Weli Jira

Friday March 20, 2026 - 20:17:43
hadhwanaagnews
Tu khaas ahna Bahda H/W iyo Akhristayaasha...



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim

(A.S.C.W.R.W.B)

Tu khaas ahna Bahda H/W iyo Akhristayaasha


 

1.

Qoonnaan isqabannoo, qalbiyada isfahmaya,

Qormooyin yagleeloo, qaxar laga fogeeyo,

Qoqob iyo qasi-buuq, qaar ku faanayaan,

Qarankeenna qaangaadh, qaladbaa ku jira.


 

2.

Qabqab dhaafay weeyoo, isu-qabsi baa jira,

Qumana kitaabkee, qoorta ruux kastaa sudhan,

Quruumaha adduunku, qardajeex bay soo mareen,

Qaanuun bay ku gaadheen, qaranimo sugan.


 

3.

Qofna waxba ma dhaafo, qoraal buu dhigtaa,

Qoys-qoys u jeediya, qabiil kuma shaqeeyo,

Qalinkay ku diriraan, quwaddoodu waa horumar,

Qaran dhisan ku gaadha, qaab cusub oo nool.


 

4.

Qodaal iyo doobi, qalab iyo kuuli,

Qobada aynu ku noolnahay, qarnigii ceeb ahayd,

Bal qabso tumaalkeen, qaddarintiisu maqan,

Qaran dhiskii waa halkaa, qiimihiisu muuqdo.


 

5.

Qaabkaan u noolnahay, miyaad ka qiiraysan,

Qulqulka biyaha guga, qabso hadduu yimaado,

Qof haraadi doonay, god u qodna garan waaya,

Qaran aan qorshaysnayn, qaddarkiisu wuu liitaa.


 

6.

Qaylodhaan abaareed, qaddar Eebbe weeyee,

Qaybta ugu weyn iyo, qawadka aynu leenahay,

Haddii aan la qaadin, qorshe noo yaal ma jiro,

Qaran horumar gaadha, qorshe buu ku nool yahay.


 

Gunaand:


Qarankeenna qaangaadh, qaladbaa ku jira,

Qorshe iyo midnimo, waa qodobka lagu tooso,

Qabyaalad ka dheeraada, qaranimada qaata,

Qoomamo dambena ha iman.

Ismail handuleh <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...