1: Haddii aad doonayso inaad xog badan ka hesho sooyaalka iyo dhaqanka soomaalidii hore akhri buuuga Hawaale waran.

Wednesday May 29, 2024 - 10:46:19
Hadhwanaag
Haddii aad rabto inaad wax ka fahanto arimaha sirdoonka,akhr



2: ma rabtaa inaad la jaanqaado jiilka maanta iyo qaabka ay u nool yihiin- akhri buuga faca koraya.


3: Haddii aad rabto inaad wax ka fahanto arimaha sirdoonka,akhri dhiganaha fahanka arimaha sirdoonka.


4: ma waxaad doonaysaa inaad hesho talooyin noloshaada kaaba oo wax ka bedela,akhri buuga la yiraahdo Talooyinka nolosha.


5: Toosnaan iyo la talin dhanka guurka ama lammaanaha ah haddii aad danaynayso akhri buuga 5-ta luqadood ee jaceylka.


6: ma tahay dadka dhiirigelinta xiiseeya oo doonaya inuu shucuurtiisa kiciya akhri buuga la yiraahdo "waad guulaysan kartaa"


7: Haddii aad doonayso salaada dhankeeda inaad u weecato akhri dhiganaha salaad baa i dhaaftay.


8: Haddii aad doonayso inaad dhanka siyaasada aad awood ku yeelato -ama aad faham ka qaadato- akhri dhiganaha 48-da xeer ee awooda.


9: Ma rabtaa inaad naftaada wax ka bedesho akhri buugaagta: Xakame iyo tarbiyaynta nafta.


10: Haddii aad doonayso inaad hesho fariimo toolmoon oo oo Qur'aanka kariiim ka ah la xidhiidha akhri dhiganaha loogu wan qalay "dhambaalada Qur'aanka ".


Akhriso Dhammaan buugaagtaas iyo buug kasta oo wax ku ool ah si aad u noqoto akhris quute dhab ah,akhrinta hal buug ayaa kugu dhiirinaysa akhrinta toban buug,akhrinta toban buugna waxay kugu dhiirinaysaa inaad akhriska jeclaato.

W/Q Ahmed Qasaali.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...