Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahin Timajilic oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ee ka soo baxay xisbi xaakimka Somaliand ee WADDANI,ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in ay wax badan qabatay oo intii la saadaalinayay in ay ku qabato boqolka maalmood ee ugu horreeya ka badan.
Waxaanu intaa ku daray in Xukuumaddu awoodda saartay arrimaha nabadaynta habaynta ciidanka dib u eegista caddaalada gaar ahaan axaabiista xabsiyada ku xidhan kala hufkooda oo ay xataa ku jiraan sida uu sheegay maxaabiis xukunkii dhammaystay oo dayn u xidhan.
Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu dedaal wayn gelisay nabadyanta arrinta Sool isla markaana guddi dhan oo heer qaran ah loo aasaasay guddidaasiha ku hawlan tahay sidii loo wada hadli lahaa iyo meelihii wada hadalka lagu qaban lahaa.
Xildhibaan Timajilic waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.
Xildhibaanka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxa u qabsoomay xukuumadda boqolka maalmood ee ugu horeeyay ee uu sheegi karo,ayaa yidhi. " Horta qorshaha boqolka maalmood wuxuu ahaa qorshe qaran oo lagu bayaamiyay qorshaha guud ee qaranka iyo siday u kala horraynayaan,waxaana jirta oo durba la qaaday qorsheyaasha nabad gelyada habaynta ciidanka qaramaynta ciidamada madaniga ah dib u eegista iyo habayanta caddaaladda iyo kala hufka maxaabiista xabsiyada ku jirta oo aad u badan oo qaar dilal gaysteen kugo xukunkii ka dhamaaday oo dayn u xidhan kuwo madani ah qaar tuug ah kala saaristoodiina waa la galay,waddooyinkii qorshaha boqolka maalmood ee ugu horreeyay way socdaan,Dardar gelinta aqoonsiga iyo xidhiidhka Somaliland caalamka la leedahay oo si waynn looga hawl galay oo illaa imika meel fiican maraysa oo aqoonsigii Somaliland soo dedejinaysa iyo guulaha dubmalaasiyadeed ee ka dhashay socdaalkadii Madaxweynaha Somaliland ku tegay dalka Imaaraadka carabta iyo shirwaynihii dunida ee ee kaga qayb galay oo qaddiyada Somaliland meel sare gaadhsiiyay.
Waxaa kale oo Iyana la isla eegay miisaaniyada lagu dhaqmayo oo tiii xukuumadii hore ee Madaxweyne Muuse ka tagtay ah iyo is waafajinta qorsheyaasha qaranka oo dib u eegis lagu sameeyay ”
Xildhibaanka oo ka jawaabayay su’aal laga wayiiyay nabadaynta gobolka Sool iyo arrinta Maxaabiista in wax uga qabsoomeen Xukuumadda,ayaa ku jawaabay. " arrintaasi waa arrin qaran oo aad u wayn waxaanay xukuumadda oo ogsoon culayskeeda iyo mudnaanta ay leedahay waxa la sameeyay guddi dhan oo la aasaasay oo nabadaynta u xil saaran hawsheediina way ku jiraan oo qorshe ayay ka leeyihiin waxaana laga wada hadlayaa halkii lagu kulmi lahaa ee arrinta nabadaynya lagu qaban lahaa ee la isgu iman lahaa hadday tahay gudaha Somaliland iyo hadday noqoto deegaanada dawlad deegaanka Itoobiya iyo haday meel kake noqotaba markaa hawshaasina guddi dhan oo qaran ayaa loo igmaday oo hawlahaa ku jirta marka la isu yimaado ee la wada hadlo,ayaa arrinta maxaabiistuna ay ku xigaysaa oo marka wada hadalku bilaabmo ayay hawsha maxabiistna loo gudbayaa.”
Mar uu ka jawaabayay xidhiidhka Xukuumadda iyo golaha wakiilada waxaa uu yidhi. "xidhiidhka Xukuumadda iyo golaha wakiiladu wuu fiican yahay hawlaha qarankana ayaana laga wada shaqaynayaa mana jirto wax dhibaato ah oo ka dhex jirta manta xukuumadda iyo golaha wakiilada.”