Somaliland Oo Ciidanka Ku Tababaraysa Kor Uqaadista Social media-ah.

Wednesday March 27, 2024 - 14:21:22
hadhwanaag
"Tababarkaas oo ku saabsanaa ilaalinta kobcinta iyo horumarinta social media-ah"

 
Hargaysa (HWN) Xukuumada Somaliland ayaa ciidamadeeda kala duwan ku tababaraysa ilaalinta kobcinta iyo horumarinta social media-ah, sida ay sheegtay wasaarada gaashaandhigga Somaliland.


War qoraal ah oo ay baahiyeenka ciidanka qaranku ayaa lagu sheegay in tababar ku saabsan warbaahinta saaka uu ufurmay ciidamada kala duwan, sida lagu sheegay qoraalkan hoose oo ciidanku baahiyay.


"Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada JSL ayaa tabo bar socon doona maalmo u furtay Ciidanka qaranka, Ciidanka booliska,Ciidanka aslubta ,Ciidanka Immigrationka  iyo Ciidanka dabdamiska xafiisyadooda warbaahinta.

Tababarkaas oo ku saabsanaa ilaalinta kobcinta iyo horumarinta social media-ah iyo website-yada ciidamada ayaa ka furmay miiska saraakiisha ciidanka qaranka."

Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL
     
Loading...