Wasaaradda Qorshaynta oo Kulamo la Yeelatay Daneeyayaasha Somaliland ka Taageera dhinaca Horumarka.

Thursday March 14, 2024 - 10:31:06
hadhwanaagnews
Sidoo kale intii kulankaasi socday waxa lagu lafa-guray..
May be an image of 3 people, people studying, dais, newsroom and text



Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibedda Denmark iyo hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Denmark.


 

Wasiirka iyodaneeyayaashan horumarinta Somaliland ayaa kawada hadlay mashaariicda horumarineed dalka Denmark ka taageero Somaliland, iyo sidii loogu salayn lahaa mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad.


 

Sidoo kale intii kulankaasi socday waxa lagu lafa-guray siidii looga wada shaqayn lahaa korna loogu qaadilahaa mashaariicda wax lagaga qabanayoisbadelka cilimada, ka hortagaabaaraha iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Somailand iyo Denmark.


 

Geesta kale waxa uu wasiirka wasaaradda qorshaynta Somaliland kulamo la qaatay toddobaadkii ina dhaafay hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee(UNICEF), World Vision iyo Concern World Wide.


 

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland ayaa ku hawlan dardar gelinta horumarinta hawlaha hor-tabinta u leh, waxaaney si joogta ah kulamo wada tashi ay ula yeelata daneeyayaasha horumarinta Somaliland.

May be an image of 5 people, suit, newsroom and text
May be an image of 6 people, dais, newsroom and text
May be an image of 9 people, people studying and text
May be an image of 3 people, people studying, dais, newsroom and text

     
Loading...