In ka badan 60 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay
inay ku qaraqmeen xeebta Libya kadib markii ay quustay doontii ay la socdeen,
sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Hay'addan QM oo soo xiganeysa dadka badbaaday, ayaa
sheegtay in doontu ay ka shiraacatay magaalada Zuwara iyadoo ay saarnaayeen
qiyaastii 86 qof.
Waxay sheegtay in mowjado sare ay quusiyeen doonta
lana la'yahay 61 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan carruur, kuwaasoo loo maleynayo
inay dhinteen.
Libya waxay ka mid tahay marinnada ay inta badan
adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay sii maraan badda Mediterranean-ka
ayna galaan Yurub.
IOM ayaa ku qiyaaseysa in in ka badan 2,200 oo qof
ay sanadkan keliya isku dayeen inay ka gudbaan badda.
Hay'adda ayaa sheegtay in muhaajiriintan doonta
saarnaa ay badankood kasoo jeedaan dalalka Nigeria, Gambia, iyo dalal kale oo
Afrika ka tirsan, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP.