Wasiirka Warfaafinta JSL oo Xarunta Wasaaradda ku Qaabilay Wefti Ka Socday Dawladda South Afrika

Thursday December 14, 2023 - 10:12:34
Hadhwanaagtv
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi...


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliladn Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta ku soo dhaweeyey weftigii ka socday dawladda Koonfur Afrika, kuwaas oo maalmahanba hawlo shaqo ku joogey dalka.


 

Weftigan booqday xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, waxa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Xidhiidhka Caalamiga ah ee xisbiga ANC, ahna wasiir ku-xigeenka Shirkadaha Dawladda Koonfur Afrika Mr. Obed Bapela.


 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa mid mid u soo mariyay weftigan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda warfaafinta iyo Idaacada Radiyo Hargeysa iyo kaydka taariikhda badan ee guunka ahi ku kaydsan yihiin.


 

Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa warbixin ka siiyay weftiga taariikhda iyo kaydka Idaacada Qaranka ee Radio Hargeysa, waxaanu u sheegay in Kaydka Wasaaradda ay yaalaan heeso iyo gabayo lagu taageeri jiray xilligi Midab takoorka bulshada Koonfur Afrika.


 

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Haddii aanu nahay wasaaradda warfaafinta iyo Qaranka Somaliland-ba in xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ay nagu soo booqdeen kuna soo dhaweynay wefti ka socday dalka aynu walaalaha nahay ee Koonfur Afrika, isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka ANC, ee arrimaha xidhiidhka caalamiga ah, ahna wasiir ku xigeen iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Koonfur Afrika, kuwaas oo hawlo shaqo u joogay dalka maalmihii la soo dhaafay.


 

Waxa aanu soo tusnay taariikhda ku duugan wasaaradda warfaafinta iyo Idaacada Radio Hargeysa, iyo taariikhda guunka ah ee taalla Radio Hargeysa, sida Gabayada, heesaha, kuwaasi oo loogu hiilinayay midab takoorka bulshada Koonfur Afrika, iyo Gabayga caanka ah ee Nansel Mandela, ee 1979-kii kaas oo ay wada qiiroodeen bulshada Koonfur Afrikaā€¯

     
Loading...