Hargaysa (HWN) Taliyaha
ciidanka Milatariga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Taani ayaa maanta gaadhay
deegaanka Buqdharkayn oo dhawaan dagaal ka dhacay, sida ay baahisay warbaahinta
ciidanku.
"Taliyaha Ciidanka
Qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismacil Tani oo ku sugnaa Malmihii lasoo dhaafay
Fadhiisimada hore ee Ciidanka Qaranka JSL ee aaga Oog.
Ayaa u kici timay
Fadhiisimada hore ee aaga Buqdharkayn Isagoo ku guda jira kormeer iyo difaaca Qarankaā€¯ Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.
Dhawaan ayay ahayd
markii deegaanka Buqdharkayn ay gubeen ciidanka SSC, kadib markii halkaasi ay
kala wareegeen Beesha Habarjeclo.