Todobo bilood ka dib
markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda qaaraarka badan ee
dadka ku nool caasimadda Khartoum, ayaa ka sii daran sidii hore - halka qaar ka
mid ah kuwii ka baxsaday magaalada maalmihii hore ay sidoo kale la halgamaya
sidii ay u noolaan lahaayeen.
Abdul-Aziz Hussein - oo
magaciisa loo beddelay sababao ammaan darteed - ayaa qaatay go'aanka bishii
Abriil si uu u sii joogo Khartoum. Marna uma malaynayn in dagaalka u dhexeeya
ciidanka iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) uu socon doono muddo dheer.
"Weli waa na
go'doonsannahay, dagaalkuna ma joogsan," ayuu sheegay mar aan telefoonka
kula xiriiray.
"RSF waxa ay gudaha u
galeen deegaanka oo ay dhibaato ka geysteen, iyadoo ciidamadu ay madaafiic ku
garaacayaan fariisimaha ay ku leeyihiin xaafadda, dhimasho ayaa iman karta
daqiiqad kasta.
Dad lagu qiyaasay 5,000
oo qof oo Suudaani ah ayaa horay ugu dhintay israsaasayn dhexmartay labadan
qaybood ee milatariga ah ee dagaallamaya, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku
dhaawacmeen.
Isaga iyo xaaskiisa iyo
saddex caruur ah, macalinka oo 45 jir ah ayaa hadda aad u doonaya inuu baxaan. Bishii
hore waxay ku dhawaadeen inay sameeyaan, laakiin dagaalka oo agagaarka
gurigooda oo ku yaal agagaarka Kalakla ka socday ayaa ahaa mid aad u xooggan.
Markii labaad ee uu BBC
la hadlay ayuu , Mr Hussein waxa uu ii sheegay in askarta RSF-ta ay bililiqesanayaan
dukaamada iyo guryaha dadka.
Waxay la mid tahay
inaad ku nooshahay "qayb cadaabta ka mid ah ah", ayuu yiri.
Dagaallada xooggan ee
ka socda magaalada Khartoum iyo gobolka galbeedka ee Darfur ayaa sababaya
dhibaatooyin xooggan oo dhanka qaybinta gargaarka ah, sida ay sheegtay Qaramada
Midoobay.
BBC