Anigoon Caalim Ahayn,Cashar Baan Mooday Taxdaas, Cid Hadday Wax Tarayso.

Saturday September 30, 2023 - 10:55:24
hadhwanaagtv
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Cashadu Eebbe Sameeyay,Cirkiyo Ciidan U Taagay,

 

Casiisku Adam Abuuray,Xaawa Uu Ku Casuumay,


 

Cadawgeena Iblaysana,Cabaysatu Qalab Qaatay,

 

Cadceedu Uga Saaray,Janadii Caadil Ku Uumay,


 

Calafsayo Admina Yeelyo,Camalkoo Wa Kaaso,

 

Ceeb Kalaa Ina Haysoon,Cilinkeed Garan Waayay,


 

Ciddaan Saarnan Weynay,Cod Qudhay Ku Hadlan,

 

Cibaadadii Iyo Diinta ,Caadilkooda Ku Manaystay,


 

Caadadoodu Mid Weeyo, Ma Laha Ceeb La Tilmamo,

 

Cuntaduudun Waa Mid, Caanaha Iyo Waa Hilibka,


 

Caradeenan Kiiniisado, Cadaawahiina Gumaystay,

 

Ciideenaas Kama Taagino, Caruur Mu Ku Dhalayn,


 

Calanka Shanta Gees Leh,Cadawu Eegganayayoy,

 

Caradeenii Lagu Qaato,Cudud Daafacda Weynay,


 

Culays Layna Dulsaaray,Cadaadis Noogu Dareen,

 

Ciirsina Aynu U Weynay Cid Qudhona Gargaarta,


 

Caqligeenanba Liitoo,Shisheeyaha Ku Ciyaaraha,

 

Coloowno Isdhamaynay,Caalamkii Nala Yaabaye,


 

Caynkan Maan Isu Dhaano,Caradaan Wada Leene,

 

Cidiyay Cid Cadaadin,Cadaalad Aan Iska Baadhno,


 

Cashiirooyin Qabiilku,Caadada Weeye Islaamkee,

 

Inaga Ceeb Ka Dhignay,Carabtaas Deriskeenuba,


 

Calamay Kala Leedayo,Colaadi Aanay Dhex Olin,

 

Somalida Candadawla,Cunahaasun Ishaystoon,


 

Cilinkooda La Saarine, Cafisuun Eebbe Ka Tuuga.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...