Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Hub Weeye Hangolka Faysal,Habeenku Hadalay Hogtan,
Hanaqa Gooya Cadaawe,Hurdadada Ka Sasaan Dhaman,
Hangoolkaasu Lulaaya,Hawsarbu Ku Noqdaa Dhacaya,
Hanfiyo Anfarii Ku Reeba,Hinqadanoy Habaartamaanoy,
Hohiyo Cakudaan Hayaan,Habsaan Weeyaan Dadkeenu,
Halyeygeenaynaan Aqoono,Huqdeda Qabyaalad Hursan,
Habaar Qabtadayna Heerto,Hankeen Reer Hebel Dhaafo,
Haddaad Horu Doortan,Heerkaad Joogtaan Haddeerto,
Halkaas Maydin Yuurureen,Horaa Loo Socon Lahaayoo,
Aduunyada Haybsan Layin,Hagaas Qarankaan Noqdeen,
Hogaan Bayanu Helilahayno,Haladaadin May Dhacdeen,
Haldoorbu Soo Cugan Laha,Hagaaya Dalko Horseed Ah,
Heeganaan Welikod Ka Habsamin,Hananaya Hawla Uyaal,
Horantii Haddayna Seegtay,Hangolka Maantaba U Qaata,
Hirigta Ku Cadaadsha Ooda,Horjoogad Hubtana Doorta,
Hoheey Aydaan Dhahaynin,Haddaa Haysataane Hooysta.
Hogii U Danbeyey Weeyaane,Hagaajoo Irmaanta Qaada.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!