Maansada: Kayd-Weeyee Taariikhdu', Abwaan Cali Haybe Cige

Wednesday June 26, 2024 - 07:54:08
hadhwanaagtv
Isu-Keeniwaayoo Tashiga Kuma Heshiiyaane.

No description available.

Maansadan Magaceedu Yahay; ' Kayd Weeyee Taariikhdu’, Waa Maanso Mug Iyo Miisaan Culus Oo Uu Abwaan Cali Haybe Cige Kaga Warramaayo Sooyaalkii Taariikheed Ee Ay Soo Martay Bulshada Reer Somaliland, Waxaanu Si Gaar Ah Isku Dul-Taagayaa Dhibaatadii Baaxada Lahayd Ee Ummadda Reer Somaliland Kala Kulantay Midowgii Ay La Midoobeen Koonfurta Soomaaliya Iyo Xasuuqii Loo Gaystay. Sidoo Kale Waxa Uu Bulshada Ugaga Warramayaa Qiimaha Isku-Duubnida Iyo Wadajirkoodu Leeyahay, Waxaanay Erayada Maansadu U Dhigan Yihiin Sidan:-


1.Konton Guuro Nimankii Jiraye Koofil La Hal-Maalay.

2.Iyo Kuraya Buubaalahoo Kaalin-Galay Maanta.


3.Isu-Keeniwaayoo Tashiga Kuma Heshiiyaane.

4.Kurta Sare Nimay Boos Tahay, Oo Kubab Cirooloobay.


5.Kaydkiyo Aqoontuu Sidaan Cidina Koobayne.

6.Kasyariyo Caruurbaan Ogayn Kal Iyo Taariikhe.


7.Soomaali Kadabkeed Go Iyo Koonfur Bela Joogta.

8.Oo Lagu Kabayaa Jirtoo Kiisas Kaa Qaba.


9.Kacaan Baslihii Waayo Iyo Kul Iyo Laayaamo.

10. Kurta Waxay Jareen Waa Dirkaa Ka Idmanaydeene.


11. Kun Malyuun Ka Badan Geesigay Kibir U Laayeen.

12. Kama Looma Dilin Cayladee Waa Kas Iyo Maan.


13. Koonkii Hargeysiyo Burciyo Kubab-Cadiilawga.

14. Kulankii Berbera Ceeri Iyo Koobe Beledkeena.


15. Kubniyaa Lageliyiyo Colaan Kalaxna-Reebayn.

16. Kaaraha Gurguurtiyo Madfaca Koramar Duulaysa.


17. Intaasoo Kidhkoodii Watoo Keebka Wada Haysta.

18. Oo Uu Kornal Sare Dalbaday Janan Kufaaroobay.


19. Oo Koronkor Sida Maydku Yahay Cidina Koobaynin.

20. Kiciwaaye Waayeela Iyo Maato Kala Daadsan.


21. Kuman Dhaawac Qaba Oo Lugtiyo Kubabku Naafoobay.

22. Katiskiyo Xasuuqii Dhaciyo Karahii Gawleeyay.


23. Kuwii Geystay Weeyaan Cidaad Kaalay Leedahay.

24. Kaalkii Walaalkaa Mudiyo Soodhkii Kala Gooyay.


25. Kawaankiyo Maskaraduhu Bidoow Waa Kuwii Shalay.

26. Doqon Baan Xigeediyo Aqoon Kaw Nasteexa Ah.


27. Koosaarta Nabadiyo Nimcada Wayka Kibirtaa.

28. Kilaal Oodaan-Bay Ugu Gashaa Kii Karkarin Laa.


29. Kun Waa Tii La Dilay Iyo Malyuun Lays Karkabadeeye.

30. Kol Labaad Anbada Waa Warkii Been La Kaatiba.


31. Kelinimada Soomaaliland Waw Kalsoon Nahay.

32. Kulan Iyo Midnimo Way Bakhtiday Waa Kolfoofaha.


33. Kulayliyo Dagaalbay Ku Timi Guushan Kaaha-Li.

34. Kooxii Na Weeraray Kuwii Garabku Siinaayay.


35. Waa-Tay Karkaarada Jebsheen Kaba Ka-Yaacii.

36. Koreeyaa Na Siiyoo Nasriga Keenay Aayaha.


37. Kii Dhacay Ma Soo Noqanayiyo Calan Karbaashkii.

38. Kii Uu Iblays Caabudee Kelebka Weeyaan.


39. Kaayagu Alliyo Waa Rasuul Koobtay Dunidii.

40. Kalagooye Weeyoo Shar Iyo Khayrka Kala Saar.


41. Kaynaaninteeniyo Didmada Kararah Ee Joogta.

42. Kursiga Laysku Haystiyo Qabiil La Isku Kooyo.


43. Koramada Shaxleeliyo Gulaan Kurusku Goobaystay.

44. Kushlaha Iyo Waxaa Layli Dhalay Waa Karaamada.


45. Kii Aad U Dirateen Allaha Keenay Hawdudin.

46. Kefeda Iyo Miisaanku Waa Waxaa Kor-Saarteen.


47. Xaqa Kuma Kadsoontaan Runtana Waa Katibisaan.

48. Kaayagiyo Reer Hebelnimada Waydin Korisaan.


49. Kutubkii Allaa Lagu Bedelay Kud Iyo Daacuun.

50. Kildhay Madaxa Kula Sii Jiraan Duul Kankamayaa.


51. Kabohood Mayeelee Dar Baa Koobin-Labalayn.

52. Ma Kashifo Adoomaha Rabiga Kelidii Waaruu.


53. Kariir Dhaqato Aadmigu Wuxuu Keensadaa Dhiba.

54. Kor Gacmaha U Qaadnoo Anagu Tuugnay Kaafiye.


55. Kuu Doortay Kaa Doortay Weeyaan Aloow Keena Door Wacan.

56. Kudladiyo Degaan Wada Dhashoo Kaadh Isugu Yaalo.


57. Kaltan Qudha Walaalaha U Dhexa Ee Iskabanaaya.

58. Kudhoo Iyo Kudoo Qaar Lehoo Naar Kilkilinaaya.


59. Kala Yaacideeniyo Dagaal Kixinkixaynaaya.

60. Oon Koonayaashaba Dayayn Kaalka Nacabkooda.


61. Oo Awrkiraalaa Xakame Koorajaan Sida.

62. Aadmiga Karaamada Fadilan Koonka Darajeeya.


63. Kufwaliba Wakhtuu Leeyahoo Loo Kaltiriyaa.

64. Kol Horiyo Daraad Waa Dhacdada Aad La Kulantaa.


65. Kayd-Weeyee Taariikhdu Qoran Keena Waayuhu.

66. Kala Roge Ka Been Sheegayaa Kaahinaa Badan.


67. Keenayste Qaar Aan Xigmada Kowba Loo Dhihin.

68. Kalax Looma Darin Nolasha Deer Noo Karuurka Ah.


69. Koob Madhan Ninkii Fuuqsadaa Wuu Kabaal-Jabay.

70. Kootali Halaabiyo Waa Firqo Waa Kaniisado.


71. Kalaamkii Ilaahiyo Sunii Layna Kulansiiyay.

72. Kii Muxamad Lagu Soodejay Kaafka Iyo Nuunka.


73. Iyo Kay Indhuhu Daawadaan Kuman Daliilooda.

74. Cilmiyadan Kidha Ah Ee Naflaha Kurada Loo Saaray.


75. Hadii Alluhu Kuu Katimin Kabin Ogaalkaaga.

76. Kugu-May Filaan Garashadaa Kii Caqlilahaw.


77. Kanbal-Daaqu Meel Dheer Ma Dayo Maanku Kori-Waa

78. Kob Cidhiidhiyiyo Godad Madaw Haw Kacaakufo.


79. Ha Kaxaysto Naar Gale Ibliis Kuumi Haw Lulo.

80. Cuno Haw Kadeedmiyo Risiqa Kaalax Haw Qubo.


81. Shini Kaaluf Galay Iyo Sidii Caydha Haw Kaco.

82. Kacbadii Jahada Meela Kale Kuudud Haw Dhaco.


83. Kasab Iyo Xalaal Hayska Naco Dhagar Ha Kiishaan.

84. Kelbadaa U Yaal Lagu Mirjiyo Koodad-Xiirada.


85. Kaafi Koranto Qaar Laa Shushubay Way Kala Hayaan.

86. Waxba Gabaygu Yuu Ila Kuclayn Waxaan Kusoo Koobay.


87. Kala Xidhanay Laba Dawladood Kow Dheh Taayada.

88. Kaafkiyo Ku Koob Xaajadeen Daymo Kala Dheer.


Abwaan Cali Haybe Cige

Tel: +252634429279

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...