"Taageerayaasha Hargeysa iyo Burco, rooda ahaan waxaan idiin diyaariyay... "
Hargaysa (HWN) Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ah Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Ogaal ayaa guryo u diyaarisay taageereyaasha Hargeysa iyo Burco ee ciyaarta kama dambaysta ah ee maanta ka dhacaysa magaalada Berbera.
"Tageerayaasha labada kooxood. Waxaan leeyahay walaalayaal ku soo dhawaada Magaalo cagaaran, qurux badan, bilicsan, nadiif ah Wadoiyin wanaagsan leh, Ku fiican dalxiiska .
Taageerayaasha Hargeysa iyo Burco, rooda ahaan waxaan idiin diyaariyay 4 guri oo aad ku nasataan ku bada iskaga maydhaan. Garoonka ka tagtaan.
Reer Berbera insha alaah marti galin wanaagsan baa laydinka rabaa . Dulqaad badan baa laydinka rabaa, Insha alaah wanaag baan idiin rajaynayaa”. ayay gudoomiya Roodi ku sheegtay qoraal ay baahisay.
Guud ahaanba Somaliland waxa maanta lahadal hayaa ciyaarta kama dambaysta ah ee dhex maraysa labada naadi ee ukala ciyaaraya ciidanka Asluubta Hargaysa iyo Dawlada Hoose ee Degmada Burco.