Boqolaal qof ayaa laga
cabsi qabaa inay ku dhinteen bariga Liibiya ka dib markii daadad xooggan oo ka
dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen xaafado ku yaala magaalooyin badan oo
xeebta ku teedsan.
Ilaa 2,000 oo qof ayaa
laga cabsi qabaa in ay dhinteen, sida uu sheegay Raysal-wasaaraha xukuumadda
aan la aqoonsanayn ee fadhigeedu yahay bariga Liibiya, Osama Hamad. Waxa uu
intaas ku daray in kumanaan qof la la'yahay.
Axmed al-Mosmari oo ah
afhayeenka ciidamada fadhigoodu yahay bariga liibiya ayaa shir jaraa’id oo uu
qabtay isna ku sheegay in tirada dhimashada ee Derna ay kor u dhaaftay 2,000 oo
qof. Waxa uu xusay in inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo qof aan lagu hayn
nolol iyo geeri.
Al-Mosmari ayaa
musiibadan ku macneeyay in ay sabab u tahay fatahaad ka dhalatay labo biyo
xidheen oo ku yaalay Derna, kuwaas qar-qiyey qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Madaxa Bisha Cas ee
Benghazi, Kais Fhakeri, ayaa xaqiijiyay in duufaanta Daniel ay ku dishay ugu
yaraan 150 qof magaalada Derna, ka dib markii heerka biyaha magaaladu ay sare u
kaceen ilaa saddex mitir.