7-dayadii arday ee wada socotay waxannu codkayagii
Maalintu waa 23, bishu waa December, sannadkuna waa 1986dii. Waxa aannu nahay 7 arday, waxa aannu ka soo dhaqaaqnay Dugsiga sare ee Kaasa Bobolaare, waxannu ku soconnaa xarunta Degmada Hodan. Degmada waxa ka dhacaysa doorashadii koowaad ee hal qof iyo hal cod ee dalka ka dhacda muddo 18 sanadood ah, bishii March ee 1969kii ayaa ugu dambaysay dadweyne codkooda dhiibta. Aad baannu u faraxsanahay, oo maxaanu u faraxsanaan weynay sow uma soconno in aannu soo dhiibano codkayagii dastuuriga ahaa. Doorashada ma jiraan cid tartamaysaa, waa sidii afti oo kale. Laba sanduuq baa is barbar yaalla, mid waa buluug, midna waa jaalle. Waxa ku kala qoran HAA Buluugga, MAYA Hurruuda. Haddii aad Maxamed Siyaad caashaqsan tahay buluugga ayaad ku ridaysaa, haddii aad diiddan tahayna sanduuqa jaallaha ah ayaad warqadda codanyta ku ridaysaa!
7-dayadii arday ee wada socotay waxannu codkayagii ku ridnay sanduuqii huruudda ahaa ama jaallaha ahaa! Isbeddel in uu dhaco ayaanu u arkaynay xal, haddii kale xaalka dalku ka sii dari doono, sidii dhacday.
Natiijadii doorashada waxa lagu dhawaaqay hal usbuuc kaddib, degmo-degmo ayaa idaacadda looga sii deynayey natiijada doorashada. Idaacaddu waxa ay sheegtay in Degmada Hodan ay 100% u codaysay HAA, mana jirin bay tiri hal qof oo diiday dib u doorashada madaxweynaha. Hadda anigaaba Maya ku soo riday. 5tii Jannaayo 1987kii ayaa madaxweynihii is doortay la dhaariyey. Hobolada Qarankuna waxa ay markiiba noogu heeseen hees u sii diyaarsanayd oo ahayd:
Todoba sano oo dambaan
Siyaadow ku dooranee
Ku daadihi Beesha nabad
Shacabkii dalkuna warkaas mid ka duwan ayay ku cabbireen xaqiiqadii hor taallay. Waxaana fal-celintii shacabka kamid ahaa shiribkii caan baxay ee ahaa:
Nin dooran doorta xaw dhahdeen
Dadkana xaw danbaajideen!
Horta Sheekadaas xanuunka badan maxaan caawa ku soo xasuustay, mooji! malaa’ waa kolonyadii wada cagaarnayd ee maanta igu dhaaftay jidka Xamar Weyne!
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!