HADHWANAAGNEWS
Ugu yaraan 10 ruux, oo uu ku jiro qofkii lagu tuhunsanaa falka toogashada, ayaa ku dhintay weerar ka dhacay dugsi sare oo ku yaal gobolka British Columbia ee dalka Kanada, sida ay xaqiijiyeen booliisku.
Royal Canadian Mounted Police (RCMP) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in lix meyd laga helay gudaha dugsiga sare ee ku yaal magaalada yar ee Tumbler Ridge, halka qof kale uu ku geeriyooday isbitaalka kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.
Sidoo kale, laba meyd oo kale ayaa laga helay guri ku yaal meel aan ka fogayn iskuulka, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa ugu yaraan 10 qof, oo uu ku jiro qofkii falka gaystay.
Booliiska ayaa intaa ku daray in ugu yaraan laba qof oo kale loola cararay isbitaalka iyagoo qaba dhaawacyo halis ah, halka ilaa 25 qof oo kale lagu daweynayo dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaadhay dhacdada.
Baadhitaan ballaadhan ayaa weli socda, iyadoo la adkeeyey ammaanka goobta iyo nawaaxigeeda, si loo xaqiijiyo faahfaahinta dhacdada iyo sababta keentay weerarkan naxdinta leh.