Waar Bal kaalaya oo Ruuwaayadan ila Daawada!,

Tuesday September 05, 2023 - 10:34:58
hadhwanaagtv
Hadaba dhacdadii Foosha Xumayd ee Dhagarta, Dhibta,


Aduunku waa Goob lagu Cimri qaato, waayo? inta aad ku guud sugantahay waxa kusoo wajihi wax kaafarxiya, wax kaanixiya, wax kaayaabiya iyo wax kastoo kiciya dhamaan dareemaha ku likan Aadamaha, Hase ahaatee Ruuxba wuxuu taransado ayuu dheefaa, halka se wixii Fal ah ee Guul iyo Guuldaro ka Dhalato, ee ah Go'aan Fal-qabad ku salaysan Fikir iyo Amar Ruux bixiyo ama mid Qof si gaar ah ama shaqsi ahaan u qaato, Hadaba ka shaqsiga ahi waa mid ku koobnaada ruuxaa qaatay oo libinteeda iyo Guuldaradeeduba Ruuxaas u gooni ahaanayso, se ta ah Amar uu bixiyo ruux Ummad hormood u ahi waa mid Libinteeda lagu maamuuso oo sharaf iyo haybad uu ka dheefo, Guuldaradana Masuuliyadeedu ay u Gaar ahaanayso ruuxaa AmarkaGudoon-siintiisu ama Bixintiisu Gacmaha ugu jirto, ee noqonaaya fikirkiisu kay dhacdo u sabab ahaanayso, sidoo kale inta ku Gadaaman ee Falkaa la Fulinaysa ee ka joog odhan ee ku raacday iyana way la qabaan eeda.


 

Hadaba dhacdadii Foosha Xumayd ee Dhagarta, Dhibta, Dhiilada iyo Sumcad xumada lahayd ee soo gaadhay Ciidankii Qaranka Jamhuuriyada Barakaysan waxa eedeeda iskaleh oo lagula xisaabtamayaa oo Falaadhi gilgilaaho kaagama go'dee ay gaar u tahay oo in ay ISCASILAAN looga Fadhiyaa oo laga naawilayaa:-


 

1, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

 

2, Wasiirka Gaashaandhiga CabdiQani Maxamuud Caateeye,

 

3, Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani,

 

4, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed,

 

5, Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.


 

Gudoomiyaha Guurtida isagu dhowr eedood ayuu leeyahay 1,Mar kasta oo qaranka muran ka dhex alloosmo Golaha ayuu fasax geliyaa, 2, iyada oo qaranku ka kooban yahay beelo Walaalo wada ah oo qarankan Jamhuuriyada Barakaysan wada leh ayuu kala dun siibaa isaga oo Golaha dhexdiisa Beelo ka dhigay Tuke Baal Cad!, 3, Go'aankan Mugdiga iyo Xeer Jujuubka miidhan ah, ee beesha uu kasoo jeedaa soo jeedisay waxa ku jira Qodobadii ku xusnaa waraaqihii kartoonka ay ku jireen golihiisu Roobka u dhigeen ee uu uga Xilo furay in aan Golaha lasoo gelin!, iyaga oo gole qaran ka yimid ee ahaa Doorasho isku sidkan hala qabto see waatii Golaha qaran soojeedintaa diidmo iskadaaye aan laga hoos qaadi ee Roobka loo dhigay!, halka maanta qodobka iyo qodobo kale oo ay ka mid tahay Jabhad ka cabatay oo ka biyo diiday qaab maamulka lagu hagaayo Jamhuuriyada Barakaysan Buurta Dalkooda iyo Dagalkooda ku taala inta ay u baxeen aan Gudi iyo Beel midna loo dirin ee Odayadii Dhexdhaxaadinta u guntaday inta Lala Meeraystay hoosta laga weeraray, ee Illaahay iyoXaqu la Saftay!, ayaa la leeyahay Mag bixiya, Dee maxuma ee SSC/KHAATUMO iyana waa Jabhad Jamhuuriyada Barakaysan u dhalatay Ragii ay Laayeen MAgtooda ha bixiyaan oo Saanadii Hub ee ay Taabbeen ama Hantiyeen Hasoo Celiyaan mise indho Doqoniimo ayaa lagu kala eegayaa oo Buurta Gacan-Libaax raga saaran ee deegaankoodii jooga ee Cidna Degel ka haysan ayey sagaal indho Doqon eegayaan, halka waxa dhabta ah indhaha ka dambuuqsada ay leeyihiin!.


 

Bal Masiibada Dalka iyo dadkii ku habsatay jaleeca, waxa Waalidiin Ubadkoodii oo Mayd ah shaashadaha ku arkay qaarna tilifoonadoodii dadkale ka dhaxleen iyaga oo Mayd iyo nolol Xukuumadii ay ku ogaayeen meelna aanay ku sheegin oo masuuliyada ragii ay saarnayd ee fadhadhakhdooda aan laga fadhiyi jirin intay sida Goroyadamadaxyada yaryar Dhulka la galeenjuuqda gabay ee dadkii Ubadkooda, Aabayaashood, Walaalahooda iyo Gacal iyo xigaal ka maqnaa halkii la war-gelinlahaa


 

waatan Ummaddii Sida Cali-Baysteenka fagaarayaasha lagusoo uruurinaayo ee Durbaanada inta loo tumo Ciyaarta iyo Tuwayska, Ruunay Rax dheh Raxmay Rig dheh hayaane, miyaan Illaahay laga baqanahayn Maxaa Dadka Dadku ka maqanyahay loo wargelin waayey ee Dadka waxa Fasahaadka leh iyo qoob ka ciyaarka layskaga jeedinayaa?, isna Horta meeyey Ninkii Buuni ee Afhayeenka Kulmiye ee haduu qof Qufaco, isna Qufac, Hindhiso iyo xaakada is raaci jiray? Muxuu arimahan dhiilaysan uga hadli waayey oo uu raga reer Sool ee Doob-Dhabanaaya wax u odhan waayey?.


 

Hadal iyo Dhamaan waatan Nimankii Kulmiye ee hadalka Handadaada iyo xaal abuurka leh Dadka la hor taagnaan jiray Afkii juuq gabay, Madaxweyne Muuse Biixigii Beesha ay Xisbiga Shuraakada ku ahaayeen intuu Mudo xileed iyo Daba-dhah kursiga ku guud sugnaaday, hadana sii leexo-jeclaystay ee Gudoomiye Waraabe u taag ah guud dhigay, markay taladii ku ciirtay se Waxaan Jamhuuriyada barakaysan weligeed ka dhicin sameeyey ee beeshii ay Xisbiga Shuraakada ku ahaayeen kasoo arimiya yidhi siday Jamhuuriyada barakaysani tahay Bogcad yar oo laba qoys wada leeyihiin!, Hadaba waa xaajo Ugub ahe Talada SSC/KHAATUMO maxay arimaha Dalka ee ay kasoo arimeen wax ugu soo dari waayeen? Mise reeraha kale ee arinkan ay bilaabeen usoo Xaydxaydanayaa ee iyana Rayiga iyo Talooyinka soo Walwaalaya ayaa Baababkaa Ibo-furaaya? Waar Siyaasadii iyo Maamulkii Dawliga ahaa Oday Beelleed iyo Gudi Qabiilaysan oo Jees Jees ah ayaa taladii La wareegay!, Hadalkii iyo Wax Ummad u sheegiina Doc kayeedh wuxuu yahay aan lagaranahayn ayaa la wareegay oo shaashadihii TV yada soo wada dhex yuurursaday!, ee waa yaab iyo yaabka yaabkiis oo Ruux Caqligiyo Maanku Fayowyahay ka Raad-Ridmimayso waxa dhacayaa oo Runtii waa Matalaad iyo Jilitaan oo kalee, ee Bal Ummad yahay Kaalaya oo Waar Bal kaalaya oo Ruuwaayadan ila Daawada!.


 

Dunidu Waa Goob imtixaan

 

Dad baan se taa Ogayn!.

 

Khadar Hooyoley (Fartaag) 05/09/2023.

 

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...