Horaa loo yidhi " Markay kadantay Alle taqaan" hees baa ahay "Dhaaxaa ladnaydoo, sidaad aar libaax tahay, talaaba ladhaysee,Ana lahasha-daadiyo, ledi waayey ciiloo, liidnimo I raacdee, waa adiganse liitee, Leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee,libaan-teed aduunyadda ruux-na laasan maayee, maxaa Luray naf-taaddii" askaraggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo kooxddii daba fadhiday, haday la soo jeesteen " Tolaay yaa Isaaqaay" Balse inuu hanfade waalan yahay, hadi la'aantiisa, haduu ku hirtay Garxajiskuu Huqay colaadiiye" Waan xaarka isku xeji, naxariisi inama dhex taale, durba oohintu waa maxay, saw adiggii ninka adag ahaa, maxaa dhaydda caanaha kaa lisay, maryii xooray, ciddii tolaay aad ku dagaal gelin karto, ka kuu jixin-jixaaya aynu eegno'e.
Ma hadaad ku waalatay Daarood, argagixso iyo wax aad ugu yeedhay huwan baa inagu soo, ka maal dee waa tii laguu taag waayaye, maxaad ilmadda yaxaaska la qubaysaa, bal maa imika dhulka loo rogo S/land-ta aad sheegayso. Ciddii wax ku qabtay-ba ha ka dunto.
Meeday is xariinfintii iyo faro taag-taaggi.Hees kale baa waxay ahayd " Illaaheena weyn baa amar-kiisu fulayaa, inad adigu talisaad ayamahan is moodee,laba eefka dhaaxaad, afar qaaday socodkee, hadaad uub ka lulataa, waa aduunyoo, ilayn anyone ma lahee, ila arag ax iyo way, inay oodo leedahay, inay Oohin leedahay, ee ubaxii baxayaay, saw adigan abaarsaday" Horaa loo yidhi "Nin is waalaba, waabiyaa hela" Dhulbahante saw ka joog lagaama kari waayin, oo shacab-koodu maad xasuuqin, mood iyo nool maad adigu ka burburin,
Nabad nagag bax, lagaagama quusan, meeday is adkayntii? Iyo anaa muftaaxa dagaalka haya? Habqan-kaaggii saw taas adhi jirtu ciyaalkii aad meesha geysay, kolba kayn adhigu daaqo kama ay soo helayaan, kii la qabtaaba uu Gatxajis sheega-naayo, sidda sarkaalka la yidhaaho " Gadhka Yogolka", guul darrraddii casrigan ugu weynayd saw lamaad fuqin, maxaa ka nool maleeshi-yaadkii aad Sool geysay, ontee dhaawac lagaa hayaa? Kun iyo dheeraad saw may dhiman, maxaabiistu may tiro beeline, hubkii wixii aad haysay gacan-toodda may gelin, Allay lehe abaalkaa, aduun waa hadhkaa labadda gelin marba shinac ahe. Ma laguu qoday iil kaa yar.
Hadaan anaku nahay " Garxajis" ma jirto ilaa yoomal diin " Jabhad soo degaysaa" ee ciddii kula heshiisay, adaa ka war keeni, mag aanu bixinay-naana waa gabeenkii xalay tegay, anigaa buurta fuulay, oo durba xoraystay 70% dhul-kayggii, waa adiggii lahaa, inamadan yay-yar ee buurta fuulay, dhakhso baan u soo af-jarayaa, ee xagaad ka dhacday Waanu ku sugaynee? Weli miyaad soo socotaa?
Durba hugunkii hoos ma u dhigtay, yaa ku gaadhay weli, oohintu waa maxay iyo baraq nuglaantu?. Imisa baabuur iyo hub ay la haayeen RRU-DA IYO BOOLISKU baan kaa hayaa? imisa fadhiisin baan kaa kiciyey? Imikay khasab kugu noqotay waan-waan baan rabaa, ee haw fadhiyin,
waxa keliya ee ina dhex taal waa xabad ee laabta ku qaado. Xikmad baa ahayd iyana Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adyadoodo" Oo micna-heedu yahay, qofkii wax ku qaada-naaya is bed-bedelka wakhtiga, oo in uun fekerayaa na kibiro, ee saya-naas buu u socdaa, waase lagaa waayey ee saw maad helin midhihii aad beeratay? " aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban" Ma maantaad siddii lax saylad ku xidhan, aad canka laalaadi-naysaa. Waa tii lagu kari la'aaye, maxaa qab-kaaggii weynaa burburiyey? Waa adigan dib u gurtaye, maxaa ku daaray booze? Bal noo sheeg cidda ku baraq jebisay? Aanu kaa caawino'e.
* N.B Aduun-Yadda Waaya-heedda Ninkii Ogi Ma Adyadoodo!
Qore:- Abdi-Shotaly.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!