Tagfi/Booddo [Flea] W/Q: Dr-ibraahin Dhuxul

Monday July 10, 2023 - 10:57:29
hadhwanaag
Tagtifada waxaa looyiqaannaa Magacyo aad u fara badan




Tagfidu waxay kamid tahay boqortooyadda xayawaanka Bahda bilaa lafdhabarleyda ah gaar ahaan bahweynta Cayayaanka kuwaas oo ah qoyska ugu Ballaadhan Boqortooyadda Xayawaanka. Noolahani waxaa hoy u ah ama laga helaa xaya -waanadda leh dhiigga diirran maadaama oo ay kamid tahay dullinka quuta dhiigga noolayaasha kale, kuwaas oo ay kamid yihiin Dadka, Bisadaha, jiirka, Bakaylaha iyo Eyda. Hoyga tagfidu waa meelaha diirran sida Kabaha, lugaha dharka iyo busteyaasha hoostooda. 


Booddadu malaha balal sida cayayaanada kale balse waxay leedahay 6 lugood oo dhaadheer kuwaas oo u fududeeya inay xoog u booddo.


Tagtifada waxaa looyiqaannaa Magacyo aad u fara badan Afkeenna Hooyo kuwaas oo ay kamid yihiin: Tagfi, Booddo, dhuudhi


Iyo wayaale. Sida ku xusan buugga ay qoreen Guddiga Afka Soomaaliga ee Eray bixinta Af Soomaaliga ee hawlaha wasaarasaha sanadii 1972dii. Dullinkani waxa uu halis badan ku yahay nolosha bini aadamka isagoo qaaradda yurub ku sababay Qarnigii 14naad xanuun la odhan jiray dillaagii badoobaa ama dhimashadii madoobayd. Xanuunada ay u kala gudbin karto dadka iyo noolayaasha kale waxa kamid ah Tayfoodha iyo xanuunadda Cuncunka maqaarka kuwaas dhibaato badan u gaysta nolosha dadka iyo xayawaanadda kalaba.


Ugu danbayntii sidee ayaa tagfida la isaga ilaalin karaa.? Waa inaad qaadaa tallaabooyin dhawr ah kuwaas oo ay kamid yihiin: 


1. In la nadiifiyo dhammaan guriga gaar ahaan meelaha qarsoon ama uu hooseeyo heerkulkoodu ama aanay gaadhin cadceedu 


2. In sarre loo qaado nadaafadda guriga iyo dharka. 


3. In ay mulkiilayaasha leh xayawaanadda la rabaysto sida Bisadaha iyo Eyda ay geeyaan goobaha daweynta xayawaanka si loo siiyo dawooyinka ka la dagaalama dullinka. 


4. Iyo in haddii aad gurigaaga ku aragto ama dareento aad ugu yeedho shirkadaha ka shaqeeya la dagaalanka Dullinka.


[email protected]

Mayeedhaan Magazine.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...