Waa Maxay Shaqo La'aantu? W/Q: Sadaam M. Caqli

Wednesday October 04, 2023 - 14:00:40
Hadhwanaag
Guud ahaana waxa jira afar (4) nooc oo shaqo la'aan ah


Dabcan, Shaqo la'aan waa ka soo horjeedka (opposite) Shaqo. Waa xaalada uu ku sugan yahay qofka aan shaqo haynin. Su'aashuse waxa ay tahay Yaa bilaa shaqo ah (Unemployment).

Jawaabta oo fudud ayaa waxa ay tahay in qofka shaqo la'aantu (Unemployment) hayso waa qofka la ogyahay in aanu shaqayn, balse la xaqiijiyay in uu si firfircoon shaqo u raadsaday maalin walba ilaa inta uu shaqo ka helayo.

Guud ahaana waxa jira afar (4) nooc oo shaqo la'aan ah kuwaas oo kala ah:
1. Shaqo la'aan ka dhalata kor u kaca iyo hoos u dhaca dhaqaalaha (Cyclical Unemployment). Tusaale ahaan shaqo dhimista uu sameeyay milkiilaha shirkada furunka kadib markii suuq loo waayay furunkii ay warshadu soo saartay, hoos u dhaca dhaqaalaha awgiis.


2. Shaqo la'aan ka dhalata isbedelka xilliyada (Seasonal Unemployment) tusaale ahaan dirawalka cagafta beeraha ee xiliga Gugga shaqeeya, bale xiliga jiilaalka shaqo la'aanta ah.
3. Shaqo la'aan ka dhalata is waafajinta xirfada shaqaalaha ama goobta shaqadu ka jirto oo dhinac ah iyo shaqooyinka banaan oo dhinaca kale ah (structural unemployment). Tusaale ahaan shaqo la'aanta haysa qofka xirfada teebka leh waqti ga computer ka lagu shaqeeyo. Ama qofka boorama jooga ee shaqo la'aanta ahwaqti shaqo dhinaca dhismaha ah ka banaantahay Lawyacado.

4. Shaqo la'aan ka dhalata u dhaxaynta labo shaqo (Frictional Unemployment). shaqo la'aanta haysata qofka shaqo ka tagay ama laga eryay ee aan wali bilaabin shaqadii kale ee uu codsaday.


HADABA AKHRISTA HADII AAD TAHAY QOF SHAQO LA'AAN AH Commentka noogu reeb afartan nooc ee shaqo la'aanta ah midka ay tahay shaqo la'aanta ku haysa, si aan u ogaano nooca ugu badan ee dadkeena haysata xalkana aan u baadi goobno.
Xusuusin: Qormooyinka xiga ayaan ku
 faahfaahin doona xalka shaqo la'aanta jirta.
Mahadsanidiin
Sadaam M. Caqli
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...