Dadku Inta U Noolyahay,Doodi Kama Dhamaate,Ku Dar Deelaydii Hore.

Saturday May 27, 2023 - 09:57:31
hadhawanaag
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Dumarka La Dilaye Dariiqyada La Wadhayaa,


 

Waa Waxaynu Diidne Laga Soo Dagaalamay,

 

Dulqaad Wuu Dhamaade Inta Xidhana Sii Da,


 

Dibna Haw Samaynina Dagaal Ogayaashoow,

 

Dirir Sokeeye Waa Ceeb Darna Way Ku Naxaan,


 

Dadka Lagu Mashqulasha Darenkodu Seexda,

 

Qabyaalad Lagu Durayo Iyaga Laysku Dirayaa,


 

Dagaalada Sokeey Iyo Difaaca Reer La Geliyaa,

 

Deeqaha Aduunkiyo Kastamad Durdurayiyo,


 

Dalkan Waxyna Soo Gala Daan Bay Ku Ururta,

 

Dalqadooda Taala Weigood Aan Dibirahayn,


 

Waxa Nooga Sii Daran Diliyo Xadhiga Weeyan,

 

Dulmigiyo Xumaantii Dadweynaha Dhamayso,


 

Darafyada Iloobo Dakhilkiinan Gudahaayba,

 

Dabkii Gaadhay Maante Maxa Laga Dabaldegi,


 

Dacar Baynu Leefnaye Sawta Layna Kala Diray,

 

Dusha Waxan Ka Saarahay Dalcad Gaadhi Korayo,


 

Darawalkiisi Seexdayoon Meel Lagu Gegaa Jirin,

 

Dawna Wuu Ka Dhacaya Durbaanan Tumayaye,


 

Denbiga Ayaa Iska Leh Loona Dabagelaayaa,


 

Ismail Abdillahi Handuleh

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...