Waa Kuma General
Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi Diiriye Warsame (Gamgam) ,oo ah Maskaxdii ka
danbaysay Qorshaha Somaliland ku dagtay Saldhiga Goojacade iyo ka bixistii
Saldhiga Tukaraq.
General Cabdisamad
Xaaji Cabdilaahi Diiriye Warsame (Gamgam),waa taliye sare oo Ciidan kana tirsan Mallatariga Somaliland ,darajada
Ciidankana ka gaadhay General ama Sareeye Guuto.
General Cabdisamad
Gamgam wuxuu dhashay sanadkii 1945 isagoo ku dhashay Degmada Shiikh ,dugsiyada
hoose dhexe wuxuu ku qaatay Hargaysa iyo Shiikh,1962 illaa 1966 wuxuu
dhiganayey Dugsiga sare ee Camuud.
Dugsiga sare markuu dhameeyey
wuxuu ku biiray kulliyada dagaalka ee Masar
(الكليةالحربيةمصر)
Oo uu ku jiray
sanadihii udhaxeeyey 1966 illaa 1968 dagaalkii lixda casho ee 1967 dhex-maray
dalalka Carabta iyo Isreal ,ayuu ka qayb gallay General Gamgam isagoo
difaacayey Airport-ka Qaahira ,1969 wuxuu ka qayb gallay Af-gambigii Ciidanka
Soomaliya kula wareeegeen tallada dalka isagoo qabtay Magaallada Baydhaba ,1973
ilaa 1974 wuxuu qaatay Koorso ku saabsan Chief of Staff .
1975 illaa 1977 wuxuu
dhiganayey Academy-yada Frunza ee dalka Ruushka,dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo
Soomaliya ayuu ka qayb gallay isagoo ahaa Gaashanle isagoo
ka dagaaalamay Aaga Diridhaba wuxuu Ku-xigeen u ahaa General Maxamed Nuur
Galaal.
1983 wuxuu tababar ku
qaatay Staff College General Cabdisamad Gamgam ,wuxuu Deegaanka Mustaxiil ee
Itoobiya kaga biiray Halgankii SNM wax yar kadib dilkii Mujaahid Cabdiqaadir
Koosar AHN,1988 ilaa 1991 wuxuu Guddoomiyayaashii SNM Axmed Siilaanyo iyo
Cabdiraxmaan Tuur u ahaa(Millatary Advisor),la Taliye Mallatari xilkaas oo uu
iska casillay 1991.
1991 wuxuu noqday
Taliyaha Saldhiga Ciidanka 17-aad ee Ciidanka ee Barbera ,
1993 ilaa 1993 wuxuu
Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal),u ahaa la Taliye Mallatari General
Cabdisamad ,wuxuu Madaxweyne Cigaal ku karbaashi jiray Kornayl Ibraahim Dhagawe
oo siweyn Dawlada Cigaal uga soo horjeeday , Mujaahid Dhagaweyne iyo General Gamgam,waa
Isku deegaan.
General Cabdisamad
Gamgam 2003 ilaa 2004 wuxuu noqday Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland,
2004 ilaa 2010 wuxuu noqday la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Daahir Rayaale
,2010 illaa 2017 wuxuu ahaa la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xilligan la joogo waa
la Taliyaha Ciidanka Ee Madaxweyne Muuse Biixi, 1994 General Cabdisamad Gamgam
iyo General Xasan Cali Abokor waxay Aas-aaska udhigeen Ciidanka Qaranka ee
Somaliland.
General Cabdisamad
Xaaji Cabdillaahi Diiriye takhasuskiisu wuxuu aad ugu dheereeyaa( Strategy
Planing)Qorshaynta Istaraatajiyada iyo (Topographic),oo ah oogada dhulka iyo
qaybaheeda Strategy-yada, qorshaha Somaliland ku qabsatay Laascaanood ee 2007
waxaa lahaa General Cabdisamad, markii Laascaanood gashay Gacanta Somaliland
waxay ubaahatay talis Guud General
Cabdisamad Gamgam iyo Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) , AHN oo
udhashay Beesha Muuse Cabdalle, ayaa lahaa Qorshaha Somaliland ku dagtay
Saldhiga Goojacade,waxaanu isagu Sigaara Ciidanka Qaranka udajiyey Saldhiga
Tukaraq sababo Strategy-ah.
Horaantii sanadkan
markuu qarxay Dagaalka Bariga Gobolka Sool , General Cabdisamad wuxuu ku
taliyey in Somaliland kasoo baxdo Saldhiga Tukaraq,oo difaaca ka gasho Saldhiga
Ciidanka ee Goojacade siduu ubilaamay dagaalka Laascaanood wuxuu fadhiistaa
Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Hargaysa isagoo,halkaa kala
socda hawlgalada Ciidanka. waxaa looga danbeeyaa taatikooyinka dagaalada.
General Cabdisamad
Gamgam wuxuu lamid yahay , General Sacad Shaadili ,oo udhashay dalka Masar
lahaana shaxdii dagaalka ee 1973 ee dhex-maray Masar iyo Isreal.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!