Gabadha ninka qaba waxaaba laga yaabaa inuu wax
Majiro camal lamid ah Salaada mana jirto sababo looga cudur daaran karo inaan la tukan Salaada,
Xaalad kasta aad ku sugan tahayba Salaada waa wax lagaa rabo xitaa ragga Jihaadka ku jiro waxaa la faray iney tukadaan si kasta oo ay ku qaadato.
Balse marka kaliya uu adoonka ka cudur daaran karo inuu tukado Salaada ama xitaa uu dib uga soo qaleeneyn waa markii haweeneydu ku jirto xiliga caadada oo ah xili aad u adag oo in badan raggu wax fikrad ah ka heysan.
Xiliga Caadada xanuuno badan ayaa lasoo darsa gabadha oo bulshada intooda kale aysan la fahansaneen gabadha hadey ahaan lahaayeen qoyskeeda ama dibada, markey timaado sida loola dhaqmayo gabadha markey ku jirto caadada maadaama gabadha ay qalqal ku jiraan gabi ahaanba habdhaqankeeda mararka qaar hadal yar uma dulqaadan karto gabdha oo caradeeda waa afka hore mana is xakameyn karto goortii ay murugooto ama xanaaqdo iwm.
Gabadha ninka qaba waxaaba laga yaabaa inuu wax fikrad ah ka heysan xaaskiisa xiliga caadada xaaladaha qalafsan ay wajaheyso gabadha haday ahaan laheed mid jireed ama mid maskaxeed intaba, sidoo kale ninka uma dulqaad karo gabadha markii murugo ama xanaaq oo bilaa sabab ku arko taasoo ay ugu wacan tahay xiliga ay ku jirto.
Allaha naxariista badan ayaa si wanaagsan u fahmaya xaalada gabadha markey caadooto waxa uuna ka baajiyey waajibkii saarnaa gabadha oo aheyd iney tukato, iney daahir aheyn darteed loogama baajin salaada balse xaaladaas isku dhex yaaca ay oo ay gabadhu mareyso ayaa waxaa lasiiyey nasasho oon cid kale siinin.
Markey timaado masuuliyada guriga cidna ma dhihin gabadha fadhiiso maalmahaad caadooneyso waad xanuunsan tahay, howshii ay qaban jirtey sidii uun baa looga doonayaa hadey waxbarasho aadi jirtey waa laga rabaa iney aado, hadey caruur leedahay waa laga rabaa iney usii heyso howshii ay u heysay, iskaba daa ninkeeda xitaa inuu ka shahwo guto wuu iska rabi lahaa laakiin Alle ayaa u diidey isaga.
Xiliga labaad waa xiliga dhalmada ama umusha marki ay gabadha umusho iyadana waa xili kale oo xasaasi ah oo gabadha jirkeedu isku dhex daadsan yahay oo kasii daran xiliga caadada maadaama hooyadu xanuun aan caadi aheyn martey intey ku guda jirtay foosha markii ay dhashana uu jirkeeda galay xaalad kale oo daciifnimo ah taasoo u baahan nasiino aad u badan iyo soo kabasho.
Weli waxaa kusii socdo dhiig baxii oo wey tabar dareeneysaa markastana daahir iskama dhigi karto sidoo kale waxaa yimid masuuliyad kaloo cusub oo ilmo yar ayaa kusoo biiray reerka oo u baahan ka warheyn joogto ah isku soo duub intaa oo xaaladood ayaa Alle uga baajiyey iney tukato gabadha Muslimada ah.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!