Saladiin,madaxdhawameed iyo wax garad ka soo jeeda Beesha ISAAQ shaahaado
cadaynaysa inay yihiin Hashimiyiin ku abtirsada tafiirtii nebiga calayhi
salaam.
Haddaba waxa jirto oo
dhacda dad ka muslimiinta jacaylka nebiga ay u hayaan awgeed inay yidhaahdaan
waxan ku abtirsanaa tafiirtii Nebiga
(CSS)reer binu Hashimi.Arinkaas Somalia oo keliya koobna ee Africa iyo Asia way
jiraan dad sheegta tafartii nebiga(CSS).
Waxa haddaba arinkan ku
cusibi waxa weeye SHAHAADA iyo AQOONSIGA la siiyey beesha Jinsiyad dal
kale iyadoo ay goob joog yihiin
Suldaankii GUUD ee BEELAHA ISAAQ I iyo
Suldaan XASAN iyo salaadiin kale.
Waxa haddaba Iswydiintu
tahay Shahaadada Hashimyadda ma dawladda Sacuudiga ayaa bixisay.mise urur mise
Sheekhul Qabiil.haddaba cid bixiysaba
waa arin culus oo aan la dhayalsan Karin.
Haddaba waxan
saladiinta iyo cuqaasha shahadadan la gudoonsiiyey kula talinayaa inay
shadaadan HASHIMIYADDA KA soo TASDIIQAAN
BOQORTOOYADA HASHIMYIINTA EE URDUN SI ay SHAHAADADU HASHIMYADDI U XALAALOWDO.
BOQORTOOYADA
HASHIMIYADDA URDUN oo kaliya ayaa aduunka ka joogta tafiirtii reer Binu HASHIM.Arimaha ku saabsan
tafiirtii reer Binu HASHIM iyo cidda Shaahaado la siinayo waxan filayaa Ina
anay jirin meel kale oo loo dhafaa.
BOQORTOOYADA
SACUUUDIGA kuma abtirsato HASHIMIYIIN
waxa sameeyey Ingiriiska oo uso wakiishay Lawrence of Arabia qarnigii hore oo
ku guulaystay in uu sameeyo boqortooyada ALSACUUD .Waxanay inqilaabeen Shariif
Xuseen oo Xijaas oo dhan xukumay wakhtigii khilaafadii Cusmaaniyiinta.
Shariiif Xuseen waa
HASHIMI waa a Awoowgii Boqorada iska dhaxlay BOQORTOOYADA HASHIMYADDA URDUN ee
Laga Sameeyey Trans jordan.
Sida taariikhda ku
hayno BOQORTOOYADA SACUUDIGU kuma Abtirsato HASHIMIYIIN.
Mana soo dhaweyaan dad
sheegta HASHIMIYIIN.Xirrirkooduna ma Fiicnayn laba boqortooyo ila
Biliwgii.Sidaa awgeed ma Filayo inay xukumadda SACUUDIGU arinkan Shahada
Hashimyadda inay ku lug leedahay.Hadii
aanay ujeedooyin qarsoon oo kale ka lahayn.
TALADA SULDAAN DHAWAL
SULDAANKA GUUD EE BEELAHA DIR.
2018 wax yar ka dib
markii uu talada la wareegay raysal Wasaare Abiye Ahmed ayaa Shir lagu Qabtay Hargsysa iyo Addisaba lagu soo
casuumay madax dhaqmeed ka kala socdaa BEELAHA DIR.Waxa kale oo shirka ka soo qayb galay Abagadhayaal
Oromo ah oo la doonayey in Iskaashi iyo xiriir cusub ay yeeshaan Somalida iyo Oramadu madaama ay
taladii dalka la wareegeen Oramo markii u horaysay.
Suldaan Dhawal hallkaas
ayaa loogu doortay SULDAANKA GUUD ee DIR
Haddaba madaama arinkan
HASHIMYADDU soo kordhay waxa Suldaanka looga baahan yahay inu ka hadlo oo Talo ka soo jeediyo madaama ay saamayn ku
yeelan doonto xiriirka BEELAHA DIIR iyo BEELAHA kale ee Somalida ah.Gaar ahaan
Nidaamkii 4.5 ka ee dhinaca Somalia wax lagu qaybsan jiray.
BEELAAHA ISAAQ EE
SOMALILAND WELI ARINKAN JAWAAB KAMA AY BIXIN MARKA LAGA REEBO
BOQOR RAABI OO
GARXAJIS ah isla Markaa a gudoomiyaha
BEELAHA DIR ayaa si cad u diiday HASHIMYADDA isagoo si cad u sheegay in BEELAHA
ISAAQ yhiin DIR AB IYO ISIR SOMALI.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!