Beesha Caalamka oo soo dhoweysey gogosha wada-hadallada ee DFS:

Monday April 07, 2025 - 17:50:38
hadhwanaagnews
Akhriso war-saxaafadeedka caalamka oo dhan;
Ar putea fi o imagine cu unul sau mai mulţi oameni şi text

"Tallaabo iyo go'aan cad oo Soomaalidu u qaaddo siyaasadda, dastuurka iyo doorashooyinka ayaa suuragelinaya taageeradeenna"

Akhriso war-saxaafadeedka caalamka oo dhan;

"Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri. Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto AS iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee AS, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta As ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

▪︎Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
     
Loading...