Hargeisa(HWN):-Guddoomiyihii hore ee gobolka Marooddi-jeex ee Xisbiga talada haya ee WADDANI isla markaanna ka mid ahaa Xildhibaannadii ku hadhay tartankii doorashaddii golaha Wakiillada Siyaasi Xuseen Aadan Cadde ayaa boggaadiyay Xayirraadii ay Xukuumadda Madaxweyne Cirro ka qaadday Warbaahinta Hadhwanaagnews,taasoo uu sheegay inay Sharci-darro ahayd.
Siyaasi Xuseen Aadan Cadde waxa kale oo uu boggaadiyay Shir beesha Arab ku qabsatay magaalada Toronto ee carriga Canada, kaasoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Qoddobada hor dhaca ah ee Dhalinyaradda shirkaas hoggaaminaysaa ka soo saarreen, waxaannu iftiimiyay inuu kalsooni buuxda ku qabo Dhalinyaradda hoggaanka ah oo uu sheegay inay guul wayn oo midho-dhal ah ka gaadhi doonnaan hawlahaas ay gacanta ku hayaan.
Siyaasi Xuseen Aadan Cadde waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku boggaadiyay sida fiican ee uu waddo hawlaha qaranka, gaar ahaan waxa uu Madaxweynaha ku boggaadiyay siyaasadda cusub ee uu rabo inuu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku hoggaamiyo Shanta sanno ee soo socota.
Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay in Somaliland la aqoonsannaayo oo dawladdo badan oo Maraykanku ugu horreeyo ay diyaar u yihiin, isla markaanna Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay deddaal badan ku bixinayso siddii looga midho-dhalin lahaa himilladdaas mudada dheer soo socoto oo shacabka reer Somaliland ay muddo dheer ku riyoonayeen, taas waxaan qabaa in maanta joogto, Xukuumadduna u diyaarsan tahay.