Waxan u soo qalin
qaatay subaxan saaka ah " Qaar baraha bulshadd" ka qayliya, oo ay
adeeg-sadaan, kuwo marka dhalii-shoodda la sheego iyo xumaanta ay samaynayaan,
oo magac beeleed loogu maqaar saaray, si ay lugta ugu qabtaan, maamulka askarta ee " Ragii ma adigaa ka hadhay iyo
Geenyo shaaximan" kaas oo ka dhisan
" Xaafad-tooyadda Hargeysa" ( Waa Guriggii Moorgane) kuwaas oo ku
ceesha magac reer, laakiin aan lugooyo mooyee aan wax ay u qabtaan jirin, marka
la yidhaaho joojiya waxaas-na, ku ordda jifo hoose oo ay ka soo jeedaan, kuna
yidhaaha " Jifa-deena baa wax la yidhi" iyaka oo doonaaya in ku
gasaan-gasaan, kuna hoos qariyaan mareegta ay u maleegayaan iyaka laf-toodda,
in aan la ogaanin siddii ay dadka ka hoos bixi karaan, wax ay u taraana aanay
jirin haba-yaraatee. Kuwa noocaas ah waxan leeyahay, wax idiin qarsoon baan
jirin-ba, ee ma waxa magac idiin samayn doona, afarta aad kolba qado maalin ah
u soo qaadaan, ee aad caloosha ayaan-taas u soo buuxi-saan, intaad soo
cabaysaan, Bal hadda inta aanan idinku sii fogaan, ila akhriya maansadan gaaban
ee hoos ku taal, taas oo si wacan u sharaxaysa, xaal-kiinu waxa uu ku sugan
yahay, waa tane:-
Intee baad u ciidamin,
calooshaadda keliyoo
Cad-quudheedka aad
cuni,cadaw kugu adeeg-sani,
Reerka ciil u soo hoyn,
aad curyaamin beeshoo,
Calaf raadis aad noqon,
cunto kugu gaxaysani
Caana-haaga kii qubay,
caara-dhuubta kula dhacay,
Cirro Waa Siyaasiye,
calaf doon muxuu yahay?
Hadaladda cambaarta ah,
kugu caayey ee yidhi
Anigoo cid dili kara,
duco uma calaacalo,
Cayn-kaas nin kugu
yidhi, ka cad-gooso mooyee,
Ma cayn kalaaba kuu
furan, aad ku ceeshtid Magacee,
Iska celi bal
nacab-koo, cududaadda haw jebin,
Colaad-daadda ha ka
baqo, cagta yuu ku hoos gelin
Cisi midaan lahayn iyo,
cabaad-dheere xaliyoo,
Weli-giiba caday jebin,
cimri-giisa oo idil,
Kob cagaar leh aan
iman, cinjir aan mar kala goyn.
Caamiye in aad tahay,
calan-kaad u lulaysaa
Ruuxii canaantiyo, kugu
sheega camal xumi,
Caada-qaata-nimadaba,
wuu i caayey baad tidhi.
Cadceeddii timaada-ba,
ciil kama koraad tahay,
Ay ka carceertay
Sharaftii, Loo diro cidiisoo,
Canka subag u
mari-yeen, leefaaya carabkoo,
Tuug wuxu calaaliyo,
cimiriggii ku nooloo,
Cidda kii run
sheega-ba, cirir lagu salidayoo,
Celiyaay la leeyahay,
caano duli ninkii dhamay
Mar bay cunaha kala
goyn, calooshiyo midhi-crikoo.
Maxaa caaq dunidda
nool, caydigu ay dhamaan.
Cudurkuu abuuraa,
cawayskii u soo dhici.
Cagta waaga subixii,
Iyadoon cadceed jirin,
Culays dhididka uu
qubi. caaqii la door-saday.
Cayub-yaw la qaatee,
kolba gees u cararaa.
Adgaa is ciijaye, Marka
cunaha lagu jaro,
Ee cabiidka aad tahay,
lagugu sii cariig-sado,
Cashar wakhtigu kuu
dhigo, hay soo calaacalin.
Waxan ku soo xidhay,
qoraalkan, Ceeb weeye geelaw ninkii soo calaacaley, hees ay qaadi jirtay,
Illaah Caafimaadka haw dheereeyee Fanaanadda " Khadra Daahir" Baa
waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Bukaan socodka liitaa, dadka waa ku badan
yahay" Waa kuwa uu ka hadlaayo
maqaal-kuye, Waxan leeyahay oo aan u sheegayaa, wuu yaqaanaa askarigu, cidda uu
ku shaqaysan karo iyo kuwa aanu ag-toodda ka soo wareegi karin, inta xaaraanta
la quudan karta ee uu isticmaali karo, sidaas awgeed, way dhawdahay ayaanta uu
idin eryayaa, marka uu idinku dan gadho, ee uu tiisa idinku qumisto, una
fulisaan arimaha u gaarka ah, ilayn idinka iyo isagu mid-kiina dal iyo dad naf
uma hayo, ee waxad meesha u joog-teenba waa " Booba yaa wadani"
Waxase hore loo yidhi " Hadii
culumaddii oo fadhidda, calaqad loo yeedho, Ragu wuu cawdaa, dumar-na waa kuwii
calaacala'e, cosob daaqa geelane, mar baa ciin u weheshaaye, baduba mar bay
caaridaa, oo ciidda la arkaaye, carshiga-ba mar baa laga xidhaa,
caabudiin-taba'e, Cagtii joogsan waydaa, mar bay ceeb la kulan-taaye" Waa
sidaase, ma foga goorta, marka uu idinku meel gaadho askarigu, uu dabadda idinka
laadayaa, ee sii ogaadda kuwa aan la hadlayaw, imika calooshiina baad la
ciyaaray-saane, wayse faaruq doontaa mudo aan sii ridnayn, ee ku tallo galla,
idinka oo ay weiiba idiin sii dheer tahay, beeshii magaceedda lagugu masruufi
jirey, oo aanad soo dhex geli karin, ee mar-kaas yaa aydin u ciirsan? Kolka aad
cidlada ku ban-jartaan iyo bankii giriyaad dhex-diisa.
* N.B Ceeb Weeye
Geellaw, Ninkii Soo Calaacalaye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!