hadhwanaag
Berbera (HWN)
Wasaaradda cadaaladda Somaliland iyo taliska ciidanka asluubta oo iskaashanaya
ayaa dib u habayn iyo dayactir ku sameeyay xabsiga dhexe ee magaalada Berbera
ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo
muddooyinkii u danbeeyay baaqyo kala duwan oo la xidhiidha sidii loo qabyo
tirilaha ay ka soo baxayeen.
Wasiirka wasaaradda
horumarinta cadaalada Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in
xukuumadda Somaliland ay markasta gacan weyn ka gaysato dib u haybta iyo
dayactirka jeelasha kala duwna ee dalka.
Taliyaha ciidanka
asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa sheegay in ay farxadweyn u tahay in uu
goob joog u noqdo dib u dhiska lagu sameynayo Xabsiga dhexe ee magaalada
Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Waxaanu
yidhi."Maanta(shalay) waxa aanu halkan u nimid in la hagaajiyo oo muwaadinka
xidhan ee ilamidka ahi ku noolaan karo, cidkasta oo gacan ka gaysanaysa dhib u
dhiska xabsiga dhexe ee Berbera waanu uga mahad celinaynaa, nina korkiisa biyo
kama hagrado ee wixii aad ka hagrato naftaada ayaad ka hagratay”
Wasiirka cadaalada oo
ka hadlay dib u dhiska jeelkani lagu sameeyay waxa uu yidhi."Markaan u soo
noqdo dib u dhiskan aynu maanta ku sameynayno xabsiga dhexe ee magaalada
Berbera hawshaasi muddo ayay soo socotay, wax ka qabadka jeelasha uguma
horrayso markii koobaad ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax ka
qabato.
Mana’aha markii koobaad
ee hay’addaha aynu iskaashiga la leenahay aynu iskaashi ka sameyno, waad
ogaydeen waxa la dhisay jeelka magaalada Hargeysa, oo maanta ay ku jirto
maxaabiis tiro badan, waxaad ogaydeen in jeelka Burco oo xukuumaddu dhammaan
Bajadkiisa bixisay, in maanta lagu dhaqmayo oo maxaabiis badani ku jirto, in uu
imika dhammaaday jeelkii labaad ee caasimadu oo degaanka Halayo ah”