Diyaarad ay leedahay
shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad
250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens
kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.
Saraakiisha ayaa
sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay "qof tuhun laga qabo oo
ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”
Afhayeen u hadlay
booliska ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee
Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo
ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.
Duulimaadka EK-210 ayaa
dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000
GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo
diyaaradda uu socday.
Diyaaradda ayaa waxaa
saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.
Warbaahinta Greece ayaa
ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in "qof
la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.
Goor sii horreysay oo
isla maanta ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai ayaa
loo diiday inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhammaan rakaabka la mariyey
hubin dheeri ah sababo la xiriira walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax
laga shakiyo, sida ay uu sheegay il-wareedka boolis.
Duulimaadkaas ayaa ka
kacay kadib shan saac oo dib u dhigis ah.
Afhayeen u hadlay
shirkadda Emirates ayaa xaqiijiyey labada dhacdo.
"Emirates waxay
xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November
dib loo dhigay kahor inta aysan kicin,” ayuu afhayeenka ku yiri bayaan uu email
ugu soo diray AFP.
"Duulimaadka EK209 ee
Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la
xiriira hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yiri afhayeenka.
Waxa uu intaas ku daray
in rakaabkii saarnaa diyaaradda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha maanta ah,
islamarkaana la siiyey hotel ay seexdaan.