Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa qaaday Dhabo ku cusub hanaankii ku dhawaaqista Urur siyaasadeedada Cusub ee laga dhawaaqay Somaliland.
Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Siyaasiyiinta waawayn ee Somaliland ayaa Khamiista Toddobaadkan lagu wadaa in uu ku dhawaaqaya Urusiyasadeed Cusub kaas oo uu ku iba furayo hanaan cusub.
Khamiista ayaa Shir Hargeysa uga furmayaa Ergo 600 oo qof oo matalayaa Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee tageersan Fikirka Siyaasiga Maxamuud Xaashi uu ku Aasaasayo Ururka cusub.
Shirka Khamiista Ayaa Ergada 600 boqol ah ay iskaga kala imanaysaa 6-da gobol ee waawayn iyo Gabilay la sheegay in ay cod ugu qaadi doonaan qodobadan hoos ku xusan:-
1. Magaca Ururka loo bixinaayo.
2. Astaanta Ururka.
3. Calanka Ururka
4. Waxa lagu cayimi doonaShirka Xaflada shaacinta iyo Shirwaynaha Ururka.
Waa Ururkii ugu horeeyay ee ka hor intaan lagu dhawaaqin Shirweyne iskugu yeedha dadka taagersan si uu ugala tashado magaca, Astaanta iyo Calanka Urursiyasadeedka.