Wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Jaamacadda Hargaysa oo is-kaashayana ayaa shalay daah-furaya mac-had lagu baranayo Diblomaasiyadda iyo xidhiidhka Caalamiga ha, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu barto arrimaha Diblomaasiyadda, sidoo kale lagu sameeyo Cilmi baadhisyo la xidhiidh dhinaca siyaasadda iyo Aqoonsiga dalka, sidoo kale lagu diyaariyo barnaamij dhammays tiran oo loogu hawlgalo arrimaha raadinta Ictiraafka Somaliland.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal oo uu weheliyo Agaasime guud, mudane Mohamed Abdirahman, ayaa booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Jaamacadda Hargeysa, halkaas oo ay soo dhoweyn diiran ugu sameeyeen madaxda Jaamacadda Hargeysa oo uu hoggaaminayo, Madaxweynaha Jaamacadda Hargeysa, mudane Dr. Maxamed Axmed Sulub, Ku xigeenadda Madaxweynaha iyo Agaasimaha Xidhiidhada iyo Suuqgeynta Jaamacadda.
Ujeedada booqashada wasiirka iyo Agaasimaha guud ay ku tageen Jaamacadda Hargeysa ayaa ahayd in ay indho-indhayn ku soo sameeyaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Hargeysa, iyada oo martigelin doonta Machadka Dibloomaasiyadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibedda JSL (Somaliland Institute of Diplomacy and International Affairs) oo maalinta beri ah la shaacin doono furitaankiisa.
Sidoo kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo Agaasimaha guud ayaa uga mahadceliyey madaxda Jaamacadda Hargeysa, sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen iyo warbixinaha tafaftiran ee ay ka siiyeen guud ahaan Jaamacadda Hargeysa.
Gebo’gabadii Mac-hadkan ayaa lagu wadaa inuu wax wayn ka tari doono arrimaha Diblomaasiyadda iyo xidhiidhka Caalamiga, kaasi lagu darsi doono xidhiidhka aynu dunida la leenahay iyo caqabadaha inaga haysta, sidoo kale sidii loo horumarin lahaa qadiyada Ictiraafka ee Somaliland.