Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Cali, ayaa shalay magaalada Boorama ka daahfuray shirka dib-u-eegista siyaasada waxbarashada macalimiinta dalka.
Daahfurkii kulankan waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta waxbarashada ee gobolka Awdal, hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo masuuliyiin kale.
Madaxa guddida farsamo ee siyaasada dib u eegista macalimiinta Xasan Xiis, ayaa ka hadlay, ayaa sheegay in siyaasadani aanay ahayn mid maanta la abuurayo balse ay hore u jirtay, ujeedaduna tahay in kaliya lagu daro wixii ka dhiman.
Waxaanu yidhi. "Siyaasadani maaha mid curina oo maanta aynu abuureyno, waxay daba-joogta mid hore oo la curiyay, balse aan sitoosa u soo bixin, kuna taariikheysan 2018-kii, wixii ka maqan ee u baahan in lagu darana maanta ayaynu eegi doona, wakhtigana ku jaangoyno”.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Cali, ayaa iftiimiyay siyaasada waxbarashada Qaranka.
Waxaanu yidhi "Nuxurku waxa uu yahay macalinku muxuu yahay? Macalinku waa aabaha labaad ee ugu dhaw ilmaha waxaynu rabna in qof mustaqbal fiicanlihi inoo soo baxo, in qof mustaqbal fiicano soo baxana waxa soo saari kara macalin fiican, waxaanu ka xukuumad ahaan xooga saarnay, siyaasada macalimiinta iyo siyaasada waxbarashada nuxurkuna waxa uu yahay in aynu midhagashano mustaqbalka dalka, cidda aynu midhagashaneynaana waxa ay tahay in qofka inoo soo baxaya beri noqdo hogaanka dalka, marka waxa mihiima in aynu ka midho dhalino mawduuca aynu maanta halkan u fadhino”