Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Hay'addaha Qaramada Midoobay

Monday February 24, 2025 - 23:48:15
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Hay'addaha Qaramada Midoobay

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa maanta kulan isbarasho iyo is-xogwaraysi ah kula qaatay Xafiiskiisa Madaxda sarre Hay’addaha Qaramadda midoobay (UN Representatives).

Kulan ayaa diirrada lagu saaray arrimaha nabadaynta, casriyaynta laamaha Amniga iyo Horumarinta xirfaddaha Ciiddammada Ammaanka.

Wasiirka ayaa intii kulanku socday ka warbixiyay deddaalada ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto sidii loo xoojin lahaa Nabadaynta gobollada barri iyo mihiimadda ay u leedahay in la horumariyo Laamaha Ammaanka.

Wasiirka wuxuu xusay in casriyaynta qalabka iyo tayaynta Xirfaddaha Ciiddammada ay udub-dhexaad u tahay Sugnaanta Amniga dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday isfaham buuxa, iyaddoo loo balamay in la sii wado kulamada noocan oo kale si loo xoojiyo wada-shaqaynta Somaliland iyo Qaramada midoobay.

Ugu danbayn Wasiirka ayaa booqashoodda uga mahad-celiyay iyo sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan Somaliland.


     
Loading...